4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 4 , 2013
Ciraaq oo Dib u Dhis ku Sameynaysa Wasaaradda Howlaha Guud, Machadkii SIDAM iyo Isbitaalkii Dhimirka ee Laasareeti

Talaado, Juun 04, 2013 (HOL) — Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis ay ku kacayso 15-milyan oo doollar, kaasoo dib loogu dhisayo wasaaradda howlaha guud, isbitaalka Laasareeti iyo machadkii tababarka ee SIDAM, kuwaasoo ku burburay colaadihii sokeeye ee dalka soo maray.

Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiixay wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud, dekedaha iyo gaadiidka badda, Nadiifo Maxamed Cismaan, iyadoo sheegtay in heshiiskan uu ka dhashay codsi ay u dirsadeen dalka Ciraaq.

“Heshiiskan dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq, wuxuu ahaa mid ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay dowladda Ciraaq, kaddib markii xubno ka tirsan wasaaradda ay booqdeen dhawaan dalka Ciraaq,” ayay tiri wasiir ku xigeenka oo warbaahinta la hadashay.

Sidoo kale, waxay sheegtay in heshiiskan oo ay ku kacayso 15-milyan oo doollarka Mareykanka ah ay ku dhisi doonaan wasaaradda howlaha guud si ay xafiiskeeda ugu shaqeyso iyo in dib loo dhiso isbitaalka Laasareeti iyo machadka SIDAM.

“Baahida ugu weyn ee wasaaradda waa in dib loo dhiso dhismihii hore ee wasaaradda si ay wasaaradda howlaheeda uga billowdo xarunteeda, sidoo kale baahida kale ee aan doonayno inaan wax ka qabanno waa inaan dib u dhisno isbitaalkii laasareeti ee dadka dhimirka la’a lagu daweyn jiray iyo in dib loo dhiso machadkii SIDAM si uu u soo saaro tababarayaal u shaqeeya dowladda Soomaaliya,” ayay wasiiraddu hadalkeeda ku dartay.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in tallaabooyinkaan ay yihiin kuwo lagu doonayo in dalka dib loogu dhiso, iyadoo sheegtay in dowladda Turkiga ay hadda wadaan dib u dhis ay ku sameynayeen isbitaalkii weynaa ee Digfeer.

Dalka Ciraaq ayaa wuxuu ka mid yahay dalalkii burburku ka dhacay sannadihii sagaashameedyadii kaddib markii ay ku duuleen dowlado ay horkacaysay dowladda Mareykanka, welina waxaa ka jira dagaallo u dhexeeya shiicadaha iyo sunniga dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya