4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo Muqdisho u yimid ka Qayb-galka xuska 01-da Luuliyo oo ku beegan Xorriyadda Somalia


Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Owqaafta, arrimaha diinta iyo dhaqanka dalka Jabuuti ayaa Muqdisho u yimid saakay ka qaybgalka munaasabadda 01-da Luuliyo oo ku beegan 53-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ka xoroobeen gurmeysigii Talyaaniga iyo is-raacii labada gobol.

Aadan Xasan Aadan (Balalo) oo aha wasiirka wafdiga hoggaaminayay oo kula hadlay wariyeyasha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in safarkooda uu yahay mid ay uga qaybgalayaan xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya.

“Waxaan halkan u nimid sidii aan uga qaybgeli lahayn munaasabadda 53-aad ee kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya xorowday, waana mid aan aad ugu faraxsannahay inaan ka qaybgalno,” ayuu yiri Aadan Balalo.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wafdigan xubno uu ka mid ahaa wasiirka Owqaafta, arrimaha Diinta iyo Garsoorka Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur iyo danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Dayib Dubad Rooble.

Dalka Jabuuti oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliy ayaa wuxuu 27-kii June u dabaaladgay sannadguuradii 36-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoriyada ka qaateen gumeytihii Faransiiska, iyadoo wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wafaafinta Soomaaliya uu ka qaybgalay munaasabaddaas.

Xuska maalinta xorriyada Soomaaliya ee 01-da Luuliyo ayaa lagu wadaa inay caawa ka dhacdo Muqdisho, waxaana xafladda ugu weyn lagu qaban doonaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Maalintan waa maalin xusuus weyn ku leh Soomaalida oo dhan, iyadoo lagu qaban doono xaflado lagu maamuusayo dalalka caalamka qaarkood, gaar ahaan kuwa ay Soomaalidu deggen yihiin sida Mareykanka iyo Yurub.

Wafdigan ka socda dalka Jabuuti ayaa waxay Muqdisho ka ambabixi doona markii uu dhammaado dabbaal-dagga loo sameynayo 01-da Luuliyo sida uu warbaahinta u sheegay warsiirka Owqaaf, dhaqanka iyo diinta dalka Jabuuti, Aadan Balalo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya