3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Dibadbaxyo lagu Dalbanayo in Maxaabiista Xabsiyada Itoobiya ku jira lasii daayo oo ka dhacay Addis Ababa (SAWIRRO)


Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Dad tiradoodu ahayd 10,000 ayaa dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in maxaabiista ku jira xabsiyada Itoobiya lasii daayo ka dhigay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo dadkaas ay cambaareyn u jeediyeen xisbiga talada dalkaas haya ee EPRDF.

Bannaabaxayaahan ayaa dibadbaxooda ka billaabay xaafadaha Arat Kilo iyo Piazza ka hor intii aysan kusoo ururin barxadda weyn ee Churchill iyadoo ku dhawaaqayay erayo ku dalbanayaan in suxufiyiinta iyo dadka siyaasadda u xirxiran lasii daayo.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid ahaayeen ‘Cadaalad…Cadaalad…Cadaalad” iyo kuwo kale oo ay ka mid ahaayeen “Waxaan ku baaqaynaa in la xushmeeyo dastuurka”.

Tiro yar oo booliis ah oo goobta ku sugnaa ayaa waxay iska daawanayeen dadka dibadbaxyada dhigayay, iyadoo aysan jirin wax rabashado ah oo weli dhexmaray bannaabaxayaasha iyo ciidamada ammaanka.

“Waxaan dowladda weydiisanaynaa inay xabsiyada laga sii-daayo dadka u xir-xiran siyaasadda, suxufiyiinta iyo kuwa weydiistay xukuumadda inaysan soo faragelin diimaha,” ayuu yiri Yilekal Getachew oo ah xubnihii dibadbaxa soo abaabulay.

Sidoo kale, Getachew wuxuu sheegay in dibadbaxayaashu ay dalbanayaan in wax laga qabto shaqo la’aanta jirta, sicir-bararka iyo musuqmaasuqa ka jira dalka Itoobiya.


“Haddii xukuumaddu ay xallin weydo waydiimaheenna ayna horumar ka sameyn weydo muddo saddex bilood gudahdoo ah, waxaan abaabulaynaa dibadbax weyn oo aan ku billaabayno halgalkeenna,” ayuu Getachew mar kale u sheegay warbaahinta.

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaan wax jawaab ah weli ka bixin hadalka kasoo yeeray dadka dibadbaxa dhigayay, iyadoo dibadbaxan lagu sheegay kii ugu weynaa ee dalka Itoobiya ka dhaca tan iyo sannadkii 2005 oo dibad-baxyo la dhigay lagu dilay 200-qof.

Dalka Itoobiya oo la sheegay inuu ka mid yahay dalalka Afrika ee dhaqaale ahaan sare u socda ayaa waxaa weli ka taagan dhibaatooyin ka dhan ah xuququulul aadanaha, mucaaradka oo la codkooda aan la maqal iyo weliba in la xiro cid walba oo xukuumadda kasoo horjeesatay.

Ururka difaaca xuquuqda suxufiyiinta caalamka ee CPJ ayaa sheegay in 10 suxufi ay ku xiran yihiin dalka Itoobiya, kuwaasoo xarigooda loo cuskaday sharciga la dagaalanka argagaxisada. Iyadoo dalka Itoobiya uu yahay dalka keliya caalamka ee inta badan ay cabsi awgeed suxufiyiintiisa uga carareen.

Dadka siyaasadaha taxliiliya ayaa sheegay in dibadbaxan uu muujinayo in ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Desalign uu xagga xukunka ka wanaagsan yahay ra’iisul wasaarihii uu bedelay ee Males Zenawi oo lagu sheegi jiray inuu yahay nin xukunkiisu adag yahay.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/3/2013 12:56 PM EST
Melbourne, June 3 (HOL) - shalayto oo taariikhdu ahayd 2nd June 2013, ayaa waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia kulan ku dhex-maray R/Wasaaraha Australia Julia Gillard iyo R/Wasaarihii hore ee Somalia mudane Prof C/Weli Maxamed Cali Gaas.

6/3/2013 11:37 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) isla markaana ah sii hayaha xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa maanta kula kulmay Muqdisho ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Key.

6/3/2013 11:26 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Gaadiid sida in ka badan 150 tan oo raashin ah qaybna ka gargaar dowladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Widhwidh oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

6/3/2013 10:56 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika inay ka shaqeyso badbaadinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.

6/3/2013 9:15 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe laba qof oo Kenyan ah, kuwaasoo ay bishii hore ka soo qafaasheen gudaha dalka Kenya, kaddib markii ay weerar lama filaan ah ku qaadeen xilli habeen ah.

6/3/2013 8:43 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan kula dagaalsanay Kenyan xal u helidda ammaanka iyo dib u soo celinta nabadda Soomaaliya 20-sano oo colaado ah kaddib.

6/3/2013 8:01 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Ergayga cusub ee Qaramadda Midoobay u soo magacowday Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa maanta yimid Muqdisho si uu ula wareego xilkiisa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga.

6/3/2013 3:32 AM EST
Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo xooggan kawada degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyagoo xayiran dhammaan waddooyinka gala degmadaas.

6/3/2013 2:20 AM EST
Waxaa sannad waliba dhammaadka bisha May ku kulma magaalada Ashland ee Gobolka Oregon (USA) cayaartooydii hore ee Kubadda Kulayga uuna marti-galiyo Cabdi Xalwo.