4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Howl-gallo ka wada Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir

Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay howlgallo  xooggan kawada degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, iyagoo xayiran dhammaan waddooyinka gala degmadaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in ciidamadan ay guryaha mid-mid u galayaan ayna kala soo baxayaan dhallinyarada, iyadoo gudaha degmadaas lagu arkayo barxado waaweyn oo dhallinyarada la isugu geeyay.

“Aroortii hore ee saakay ayaan kusoo toosnay ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM oo gudaha xaafadaha degmada ku sugan, way diideen in dibadda aan uga baxno guryaheenna,” ayuu yiri Cumar Nuur oo ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale, Cumar Nuur wuxuu sheegay inaysan jirin cid shaqo aadday iyo goob shaqo oo furan, sidoo kalena ay ardaydu ku xayiran yihiin guryahooda qaar ka mid ahna ay ciidamadu guryahooda kala baxeen.

Howlgalkan ayaa wuxuu qayb ka yahay howlgallo ay dhawaanahan Muqdisho ka wadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo ay saraakiisha AMISOM sheegeen inay yihiin kuwo lagu baadi-goobayo kooxo ka tirsan Al-shabaab oo magaalada ku dhuumanaya.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan howl-galka ay saakay ka wadaan degmada Xamar-jajab, balse waxay sheegeen in ay qabqabateen dhallinyaro badan oo looga shakisan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan ka socday howgallo xooggan oo lagu baarayo degmooyinka gobolka, kuwaasoo lagu soo qabqabtay tiro dhallinyaro ah oo qaarkood weli ay ku jiraan xabsiyada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya