4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Dagaalkii Kismaayo oo Qaboobay iyo Abaabullo Dagaal oo ka socda gudaha Magaaladaas oo weli la isku hor-fadhiyo


Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Dagaalladii maanta ka socday Kismaayo ayaa qaboobay maqrinimadii caawa, iyadoo ciidamadii dagaalku u dhexeeyay ay weli isku horfadhiyaan xaafado ka tirsan magaaladaas, waxaana si xowli ah uga socda barakac ay dadku sameynayaan.

Iyadoo dagaalkii maanta uu ahaa mid xooggan ayaa wararka aan ka helayno Kismaayo waxay sheegayaan inay ku dhinteen 20-ruux oo u badan shacabkii lagu dul-dagaalamay, kuwaasoo qaarkood ay dhaawacyo soo gaaray markii dambe ugu geeriyooday isbitaalka guud ee magaaladaas.

“Xaaladdu waa daggan tahay, waxaase socda abaabullo ay wadaan kooxihii ku dagaalamay magaalada, rasaas ayaa mararka qaarkood dhacaysa, iyadoo magaaladu ay u muuqato in labada dhinac ay u qaybsan tahay,” ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool Kismaayo.

Goobjoogahan ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay inta badan yihiin dadkii shacabka ah ee ka barakacayay magaalada, iyadoo qaar ka mid ah waddooyinka magaalada ay yaallaan maydadka kooxihii dagaalku u dhexeeyay iyo dad shacab ah oo ay dishay rasaasta iyo madaafiicda loo adeegsanayay dagaalkii maanta.

“Abaabullo ciidan ayaa socda, waxaana baqdin weyn laga qabaa inuu dhaco dagaal ka culus kuwii labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday, dadkuna si aad ah ayay uga barakacayaan magaalada,” ayuu goobjooguhu hadalkiisa ku daray.

Ciidamada maamulka Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay saldhig weyn ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka qabsadeen gellinkii dambe ee maanta, kaasoo ku yaalla warshadda hilibka ee Kismaayo.

“Qayb ayay ka yihiin ciidamada dowladda dagaalka, waxayna la safan yihiin xoogagga daacadda u ah Col. Barre Hiiraale, Cabdi Baalleey iyo Iftin Baasto, ciidamada AMISOM ee magaalada ku suganna wax tallaabo ah oo ay weli qaadeen ma jirto,” ayuu goobjoogahan hadalkiisa ku daray.

Dadkii ku dhintay dagaalladii maanta ayaa waxaa ka mid ahayd hooyo iyo saddex caruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo doonayay inay magaalada ka qaxaan, waxaana madfac uu kula dhacay bartamaha magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, dhaqaatiirta isbitaalka Kismaayo ayaa waxay ka cabanayaan dawo la’aan iyo qalab la’aan, iyadoo isbitaalka ay dhaawacyadii soo gaaray ugu geeriyoonayaan dad badan oo shacab ah, kuwaasoo rasaas iyo hubka waaweyn ay ku dhaceen iyagoo guryahooda ku sugan, qaarkood ay isaga barkacayeen magaalada.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku baaqday maanta in dagaalka la joojiyo ayaa haddana waxaa ka socda magaalada hub urursi xooggan oo dhinacyadii dagaalamay u dhexeeya, iyadoo baqdin weyn laga qabo dagaallo kale oo dhaca.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya