4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Sarkaal ka Tirsan Safaarada Britain ee Somalia oo Maanta Booqday Xeryaha Ciidamada Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Sarkaalka u qaabilsan safaarada Britain ee Soomaaliya arrimaha ciidamada ayaa maanta tagay magaalada Baladweyne isaga oo kormeeray ciidamada maamulka gobolka islamarkaana booqday xeryaha ay degan yihiin.

Sarkaalka oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen saraakiil ka tirsan maamulka iyo gobolka iyo kuwa ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa ku soo wareegay xeryaha ciidamada maamulka isaga oo u kuur-galayay habka ay u dhisan yihiin ciidamada iyo sida ay howlgalaan, waxaana ka mid ah goobaha uu tagay saldhiga booliiska, xerada ciidamada militariga ee Lama-galaay, xabsiga magaalada iyo fariisimaha difaaca ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti.

''Ujeeddada socdaalka aan ku soo gaaray magaalada Baladweyne waxaa ay aheyd in aan u kuur-galo islamarkaana eego sida ay  u shaqeynayaa ciidamada iyo habka ay u dhisan yihiin, iyo in aan ogaado baahiyaha waqtigan heysta ee u baahan in wax lagala qabto, runtiina waxaan arkay ciidamo dhisan oo awood badan leh,'' ayuu yiri sarkaalka tirsan wasaarrada difaaca Britain.

Taliyaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Col Towane Axmed Gurey oo ka mid ahaa saraakiishii ku wehlisay kormeerka sarkaalka ka socday safaarada Britian ayaa ka warbixiyay ciidamada iyo sida ay u dhisan yihiin, isaga oo sheegay in ciidamada ka howlgala gobolka gaar ahaan magaalada Baladweyne dhamaantood tababar ku qaatay dalka gudihiisa, wax badanna ka qabeen nabad-galyada xiligan ka jirta magaalada.

Sarkaalka dowladda Britain waxaa uu sheegay in socdaal uu ku soo maray qeyb badan oo ka mid ah gobollada dalka, laakiin sida uu hadalka u dhigay wali uusan arag ciidamo ku tababartay dalka oo ilaa iyo heerkan nidaamsan, isaga oo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan saraakiisha maamulka gobolka haddii ay jiraan caqabado wali ka heysta hormarinta dhismaha ciidamada.

Waa sarkaalkii ugu sareeyay dowladda Britian oo booqda ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo dhismahooda ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ka howlgala magaalada Baladweyne oo tababaro kala duwan siiyay ciidamada maamulka oo xiligan u muuqda kuwa awood badan u leh hanashada amniga.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya