4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Taageerayaasha Ururka Horseed oo Isku soo baxyo Waaweyn ka sameeyay Maanta Magaalooyinka Puntland (SAWIRRO)


Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Kumannaan kamid ah taageerayaasha urur-siyaasadeedka uu hoggaamiyo madaxweynaha xilligan haya talada Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ee Horseed ayaa maanta isugu soo baxay inta badan magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Magaalooyinka ay sida aadka ah taageerayaasha ururkaasi isugu soo baxeenna waxaa kamid ahaa magaalada caasimadda ah ee Garoowe iyo xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Fagaaraha (Barxadda Garoowe) oo ahayd goobta ay taageerayaasha ururka HORSEED isugu yimaadeen, ayaa waxaa sidoo kale joogey in badan oo kamid ah xubnaha ugu sareeya hoggaanka ururkaas.

Mas’uuliyiintii madasha ka hadlayna waxaa kamid ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland Jen. C/samed Cali Shire, islamarkaana ah hoggaamiye ku-xigeenka ururka Horseed. Hadallada Jen. C/samed ayaa ahaa kuwo u badan mahadcelin uu u jeediyey taageerayaashooda iyo kuwo kale oo guubaabin ah.

Dhinaca kale waxaa xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ka dhacay dibadbax kaas lamid ah. Taageerayaasha Horseed oo wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo muujinaya taageerada ay ururkaas u hayaan ayaa subaxnimadii hore socod ku maray jidadka waaweyn ee magaalada, waxayna ugu danebeyntii isugu soo urureen garoonka kubadda cagta.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin guddoomiyaha gobolka Bari C/samed Maxamed Gallan iyo duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan ayaa taageerayaasha ururka HORSEED halkaas kula hadlay, waxayna uga mahadceliyeen isku soo baxooda iyagoo ka codsaday in ay taageeradooda ururka HORSEED mar walba la garab taagnaadaan.

Todobaadka ololaha ururrada siyaasadda ayaa maanta galay maalintiisii 3-aad, wuxuuna kusoo aadayaa xilli ay muddo koobani ka harsan tahay wakhtigii horay loo shaaciyey in doorashada goleyaasha deegaanku ay qabsoomi doonto Puntland.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya