4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Xildhibaannada Baarlamaanka Weydiistay in ay bil ka mid ah bilahooda fasaxa sii shaqeeyaan

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu u gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya wuxuu kaga dalbaday xildhibaannada inay bil ka mid ah labada bilood ee fasaxa ay leeyihiin ay sii shaqeeyaan si ay u meel mariyaan hidiyaal sharciyeedyo ay u soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya.

Kulankii maanta uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa looga hadlay laba ajande oo midkood uu ahaa codsiga madaxweynaha iyo midka kale oo ahaa in la meel-mariyo hab-dhowrayaasha baarlamaanka.

Ajandihii ugu horreeyay oo ahaa in la meelmariyo hab-dhowrayaasha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo jeediyay Prof. Jawaari iyadoo loo magacaabay xilkan saddex xildhibaan oo kala ahaa: C/llaahi Xasan Rooble oo ah guddoomiyaha habdhorayaasha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen oo kala ah: Xasan Sheegoow Sagaar iyo Maxamed C/llaahi Xasan, iyadoo xildhibaannadu ay hab gacan-taag ah ku ogolaadeen habdhoraha iyo ku xigeennadiisa qaab gacan-taag ah.

Intaas kaddib guddoomiyuhu wuxuu xildhibaannada u akhriyay warqad ka timid madaxweynaha oo uu ku codsanayo in baarlamaanku hal bil ay galaan kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu meel-marinayo sharciga xukuumaddu ay soo gudbisay.

“Waxaan warqad ka helay madaxweynaha jamhruuriyadda Soomaaliya oo ku saabsan codsi sii shaqeynta baarlamaanka muddo hal bil oo ka mid ah kuwa ay fasaxa leeyihiin, kaddib markii uu arkay go’aankii golaha wasiirrada oo ah meel-mariyo sharciyadii ay xukuumaddu u gudbiyay baarlamaanka, si loo fududeeyo sharciyadan, wuxuu madaxweynuhu soo jeediyay in kal-fadhi aan caadi ahayn ay baarlamaanka yeeshaan,” ayuu guddoomiyuhu yiri, wuxuuna ku sheegay qoraalka in madaxweynuhu uu qodobbo dastuurka ka mid ah u cuskaday qoraalkan uu soo gudbiyay.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa arrintaan ka dooday, iyadoo qaarkood ay kasoo horjeesteen codsiga madaxweynaha ayna sheegeen in dastuurka dalka uu qabo in la xiro fadhiyada baarlamaanka lana raaco taas, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in codsiga madaxweynaha la aqbalo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in sida sharciga uu qabo la xirayo kalfadhiyada baarlamaanka 30-ka bisha Juun oo berry ku beegan, balse kalfadhiga aan caadiga ah la furayo 02-da bisha soo socota ee Luuliyo ama July oo ku beegan maalinta Talaadada ah ee soo socota, ayna xildhibaannadu ogolaadeen codsiga madaxweynaha.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu codsi noocan oo kale u soo gudbiyo baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo golaha shacabka ay horyaallaan hindise sharciyeedyo kala duwan oo ay xukuumaddu bilihii ugu dambeeyay u soo gudbinaysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya