4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Dagaalladii Magaalada Kismaayo oo sii Xoogeystay iyo khasaare fara badan oo kasoo gaaray dadka ku nool Magaaladaas

Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Dagaalkii magaalada Kismaayo ayaa si xowli ah uga socda xaafadaha magaaladaaas, iyadoo khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkaas ka badan yahay kii shalay dhacay, waxaana wararku ay sheegayaan in 18-qof ugu yaraan ay ku dhinteen.

Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada dad 50-qof ku dhow oo u badan shacab ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas dagaalka loo adeegsanayo, iyadoo dhinacyadu ay isku riix-riixayaan xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

“Dagaalka wuu ka xooggan yahay kii shalay, si aad ah ayuuna u socdaan xaafad walba oo ka tirsan magaaladana xabbad ayaa ka dhacaysa, kooxuhu waxay is-riix-riixayaan gudaha magaalada, dadkuna waxay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda,” ayuu goobjooge ku sugan Kismaayo u sheegay saxaafadda.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo oo isugu jira kuwa ka socda Sierra Leone iyo kuwa Kenya ayaa la sheegayaan inay dagaalka daawanayaan iyadoo isbitaalladooda la geynayo ciidamada Axmed Madoobe ee ku dhaawacmay dagaalka, halka kuwa kalena la geynayo goobo kale oo magaalada ka tirsan.

Ma jiraan wax dadaallo ah oo lagu joojiyo dagaalka oo ka socda magaalada Kismaayo, balse magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la sheegayaa inay dadaallo lagu doonayo in dagaalladan lagu qaboojiyo ay ka socdaan.

Shacab fara badan oo ka qaxaya magaalada ayaa lagu arkayaa qaybo ka tirsan magaalada iyadoo rasaastuna ay si aad ah u socoto, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu cuslaa ee dhinacyada isku haysta maamulka Kismaayo ku dhexmara degmadaas.

Dagaalkan oo aroornimadii hore ee saakay ka qarxay magaalada ayaa wuxuu daba socday dagaalkii shalay gellinkii dambe ka billowday halkaas, kaasoo u dhexeeyay taageerayaasha Col. Barre Hiiraan, Cabdi Balleey iyo Iftiin Xasan Baasto oo isku dhinac ah iyo taageerayaasha Axmed Madoobe oo dhammaantood isku haysta xilka madaxnimo ee maamulka Jubaland.

Xafiisyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Muqdisho iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, inkastoo aysan jirin wax taallo ah oo ay qaadeen si dagaalkan lagu joojiyo.

Afhayeenka maamulka Raaskambooni, C/naasir Seeraar oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta isagoo ku sugan Kismaayo ayaa wuxuu sheegay inay ku gudo jiraan howlgallo ay magaalada kaga sifeynayaan wuxuu ugu yeeray kooxo ay soo aabushay dowladda Soomaaliya oo qorsheynaya inay carqalad geliyaan maamulka Jubaland.

Dagaalka ayaa weli ka socda gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo dhinac walba uu sheegayo inuu gacanta ku hayo qaybo badan oo magaalada ka tirsan, inkastoo dhinacyadu ay tan iyo saakay is-riix-riixayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya