4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Jabbaan kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon (SAWIRRO)


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay Yokohama xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, iyagoo kawada hadlay xafiiska cusub ee ay Qaramada ay ka furayso Muqdisho, ergayga cusub Nicholas Kay oo imaan doona Muqdisho, arrimaha ammaanka iyo sidii Qaramada Midoobay ay qayb uga qaadan lahayd dib u dhiska Soomaaliya.

Ban Ki-Moon ayaa ammaanay dadaalka iyo horumarka Soomaaliya wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay ay kaalmo buuxda la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Isagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyay saxiixii ay Soomaaliya saxiixday heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga hubka sunta ah.

Sidoo kale,  xoghayaha guud ayaa sheegay in ergeyga cusub ee Soomaaliya ka howlgalaya laga billaabo berri inuu la imaan doono isbedel buuxa oo dhammaan hay’adaha Qarammada Midoobayna ay u guuri doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa isagana ka mahadceliyay doorka  weyn ee Qaramada Midoobay iyo sida dowladda Soomaaliya loogala tashaday magacaabista mas’uuliyiinta sar-sare ee Qaramada Midoobay ee ka howlgalaya Somalia.

“Dowladda Soomaaliya waxay diyaarisay qorshayaashii xasilinta dalka oo uu ka mid yahay sharciyadii lagu dhisi lahaa maamul-goboleedyada dalka si loo helo maamul wanaag sal sharciyadeed leh, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed ku kalsoonaan karaan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday Qaramada Midoobay inay door fiican ka qaadato sidii Soomaaliya hay’adaheeda dib loogu dhisi lahaa loona heli lahaa hay’ado tayeysan oo u adeega danaha shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta la kulmi doona xubin ka tirsan baarlamaanka dalka Japan oo lagu magacaabo, Noriko Shirasu oo baarlamaanka dalkiisa u qaabilsan xiriirka Afrika, iyagoo kawada hadli doona xaaladda Soomaaliya iyo isbedelka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa shacabka Japan siiyay warbixin kooban ee uu xaaladda Soomaaliya kaga warbixiyay, isagoo sheegay in maanta ay jirto horumar iyo rajo weyn oo ku aaddan in Soomaaliya ay cagaheeda dib isugu taagto.

Madaxweynaha ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay inuu yimaado Japan oo uu la kulmo ra’iisul wasaare Shinzo Abe, isla markaana xiriirkii Japan iyo Soomaaliya dib loo cusbooneysiiyay. Isagoo sidoo kale xusay in Somalia ay rajo weyn ka qabto in Japan ay wax kala qabato sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

Xildhibaan Noriko Shirasu ayaa isagana uga mahadceliyey Madaxweynaha Somalia booqashadiisa uu ku yimid Japan, isla markaana sheegay in Japan ay sii xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya ayna ka caawinayso wax walba oo ay u baahan yihiin sida dib u dhiska dalka.

Ra’iisul wasaaraha Japan ayaa u ballan-qaadyo madaxweynaha Soomaaliya in shaqalaha sar-sare ee Soomaaliyeed ay tababar u imaan doonaan dalka Japan si loo kordhiyo xirfadahooda iyo waayo-aragnimadooda iyo in Japan ay si toos ah mucaawanada u siin doonto dowladda Soomaaliya.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya