4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo eedeyn u Jeediyay Qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobay


Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Bay, Xasan Macallin Maxamed (Biikole) ayaa isagoo warbixin siinayay idaacadda ee Radio Warsan ayaa qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNICEF iyo UNDSS ay hortaagan yihiin waxqabadka degmada Baydhabo.

Xasan Biikole ayaa sheegay in hay’adda UNICEF haba-yaraatee aysan wax mashaariic ah aysan weligeedda ka fulin degmada , isagoo intaas ku daray in hay’adaha ay sheegaaan inay mashaariic siiyaan hay’adaha maxalliga ah.

“Ma arkin hay’ad ay wax siisay, sidaa daraadeed waxaan madaxa haya’daha u sheegaynaa madaxda ugu sarreyso dowlada iyo madaxda UN-ka,” ayuu yiri Biikolo oo intaas ku daray. “Waxaan kaloo sheegaynaa in shaqaalaha hay’adaha ay dhisanayaan guryo aad u qurax badan, shacabkana ay haysato macluul aad u daran.”

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Baydhabo wuxuu ku eedeeyay hay’ada UNDSS inay hortaagan tahay nabadda Baydhabo, waayo buu yiri mar waliba waxay yiraahdaan Baydhabo ammaankeeda ma fiicna, waana inaan taas wax ka qabanno.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Baydhabo wuxuu amaan u soo jeediyay qaar ka mid ah hay’ad maxalli ah oo lagu magacaabo GREDA oo ka mid ah kuwa ay wadashaqeynta kala dhexeyso hay’adaha Qarmada Midoobay, taasoo la siiyay mashaariic ay ku qodayso ceelal, iyadoo Baydhabo ka qodday shan ceel oo biyo nadiif ah laga cabo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka ay ka taliso dowladda Soomaaliya ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, waxaana eedda loo soo jeediyay hay’adaha Qaramada ay imaanaysaa iyadoo dhawana laga furay Muqdisho xafiiska howlaha Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Hiiraan Online, Baydhabo