4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 14, 2013
Ciyaartoydii Kooxda Gobolka Togdheer oo Xorriyadoodii Helay iyo Kabtanka Kooxda oo ka hadlay sababihii loo Xiray

Jimco, Juun 14, 2013 (HOL) — Ciyaartoygii gobolka Togdheer oo maalmihii u dambeeyey ku jiray xabsiga Mandheera, ayaa shalay dib xoriyadoodii loogu soo celiyey.

Ciyaartoyga la xidhay ayaa ka koobnaa 20 ciyaartoy oo ka socday gobolka Togdheer kuwaas khilaaf ku yimid keentay in la xidho, isla markaana ciyaaraha ka hadhaan, haseyeeshee kabtanka xulka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Axmed (Cawaandi) oo ah halka uu khilaafku ka bilaabmay, ayaa sheegay in aanay jirin ciyaartoy is laayey iyo kuwo is haysta toonna, balse ay xukuumaddu ay ka been sheegatay, isla markaana sumcadii gobolka meel kagaga dhacday.

Kabtan Cawaandi ayaa xadhigooga ku eedeeyey wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu  sheegay inay jabiyeen heshiish u dhexeeyey kooxda kubadda cagta ee Togdheer oo ah in tobabaraha iyo kabtanka la kala qaato, haseyeeshee markii ay Hargeysa la yimid la doonay buu yidhi  in wixii lagu heshiiyey wax laga bedelo, iyadoo la qancinayo hal qof oo ciyaartoyg ah oo doonayey in kabtanka xilka laga qaado, taas oo keentay in la wada xidho ciyaartoygii oo dhan.

Kabtanka xulka kubadda Cagta ee gobolka Togdheer oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayey HOL isagoo jooga magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inuu ka xun yahay  ceebta iyo aflagaadada aan jirin ee laga faafiyey ciyaartoyga gobolka Togdheer oo  lagu sheego inay isdilayaan oo hub isku sitaan, waxaanu beeniyey inay hub iyo dagaal toona ka dhexayn ee xul isku xidhan oo magaaladda u yimid inay tartanka ka qaybgalaan ahaayeen, haseyeeshee farogalinta xildhibaano golaha Deegaanka Burco qaar ka mid ah iyo wasiiro ay ka dambeeyeen inay ciyaarta ka hadhaan xulka gobolka Togdheer.

“Waxaa xulka soo kala dhexgalay khilaaf,  waxa la isku hayey waxa uu ahaa kabtana xulka gobolka Togdheer u ciyaarayey, waxaana lagu soo dhameeyey Burco ka hor inta aan la soo bixin, waxa loo qaybsaday in tobabarahana koox qaadato, Kabtankana kooxda kale qaadato, haseyeeshe markiii aanu nimid ayaa la yidhi Kabtanka nin kale u dhiib, ana waan diiday oo waxan idhi hore loogu heshiiyey oo waa la ii doortay  kabtanka, waxa la yidhi adiga inimadda ayaan ku ogolayn ee wareeji, dawladu way xalin kari waayeen arrinta oo madaxweynuhu wuu xalin kari waayey,arrintaasi waxa ku loolamayey niman dawladda ku jiray, xadhiga rag mutaystay maanu ahayn cid isdilaysa iyo cid wax isku dirsanaysa may jirin, ee inan ciyaartoyg ah ayaa yidhi ma ciyaarayo hadii aan Kabtanka xilka laga qaadin, marka wax lagu heshiiyey ayey ahayd in isaga lala hadlo ayey ahayd ee xulka oo dhan wax loo dhimo may ahayn,  waxaan qabaa iyaga abuuray khilaafka iyagana iska kaayo xidhay”ayuu yidhi kabtanka gobolka Togdheer oo ka waramayey sababtii loo xidhay iyo khilaafku halka uu ka yimid.

Sidoo kale kabtanka waxaan waydiinay mar haddii laga codsady inuu xilka wareejiyo sababta uu u wareejin waayey, waxaanu yidhi “waxaan u tanaasuli waayey inanka loo dhiibayo iyo anagu maxaanu kala nahay, ka loo dhiibayo iyo ka laga qaadayo waxba ma kala ahaa waana tay inimadu aaminsanaayeen, Burco marka  aanu joognay lagu heshiiyey in la kala qaado oo tobaaruhu cid qaadato kabtanka cid qaadato, anagu maanu odhan tobabaraha naga bedelo iyagu khalad bay ahayd inay yidhaahdaan kabtana naga bedela. ”

Kabtan Cawaandi ayaa sheegay in inay qoysaskoodii iyo waalidkood soo daayeen, isla markaana wasiirka ka codsadeen in loo soo daayo, balse wasiirku ku xidhay damaanad waalidku bixiyo in aanay ciyaartoygu dhibaato isku gaysan, balse aanay jirin cid is haysay iyo dagaal ka dhexeeya ciyaartoyga.

“Aniga madaxtooyada la igu yeedhay , kabtanka ka tanaasul baa la yidhi, maadaama oo  nin saaxiibkaaya is colaadsateen si uu u ciyaaro kabtanka wareeji lacagna qaado,  waxay ahayd ninka aniga I diidan in la qanciyo, nin yidhi ma ciyaarayo ilaa kabtanka laga qaado waxay ahayd in ninkaasi la qanciyo oo wax loo sheego, laakiin may ahayn in arrintii laga dhigo wax loo wada dhan yahay, markii dambe wasiirka ayaa yidhi aynu wada hadalno 15 daqiiqo ee ii kaalaya, markii aan u tagnay, waxaan ku idhi wasiir waxaanu tagayna garoonkii oo ciyaartii baa na sugaysee wasiir arrintani wax weyn maahee waa inankaasi oo kaliya ee dhamee, ma inankan yar ayaad hadalkiisa maqlaysaa, anagu waanu wada soconaa ee waa hal qof ee hawhsiisa dhamee, nasiib daro waa la na wada xidhay”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Kabtana gobolka Togdheer Maxamed Cawaandi waxa uu bulshadd reer Togdheer usoo jeediye inay nabadgalyada ilaashadaan oo dhan uga soo wad jeestaan wixi danahooga ka hor imanaya, “waxaan bulshadda reer Togdheer leeyahay nabadda ha la ilaaliyo, wax kale may dhicin ee dawlada ayaa  siyaasad kale ka wadatay oo inimada isku diraysay, waxaana dawlada usoo jeedinayaa inay faraha kala baxdo ciyaartoyga ay isku dilayso wax is qabsaday iyo wax iska hor yimidna ma jirin ee ogaan baa la noo ceebaynayaa, imika jeelka meel baanu wax ku wada cunaynay markii horana guriga meel baanu wax ku wada cunaynay cid is haysatay ma jirin .”

Cawaandi waxa kale oo uu sheegay in tobabaraha xulka gobolka Togdheer laga keenay Norway oo aanu ciyaartoygu sida uu u kala fiican yahay aqoonin,    waxaanu kabtanku canaan usoo jeediyey inay xisbiyada mucaaradka ahi doorkii mucaaradnimo ay gabeen, isla markaana ay daawadde ka yihiin khaladaadka dhacaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland