Kooxda Dahabshiil Norway oo ku guuleysatay Koobkii K/Cagta ciyaaraha Sweden (SAWIRRO)
Talaado, July 9, 2013—Waxaa sanadwalba lagu qabtaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ciyaaraha xagaaga oo ay soo qabanqaabiyo Ururka SEUKI oo ka dhisan dalka Sweden.
Ciyaarahan ayaa sanadkan waxaa la isugu keenay 12 kooxood oo ka kala yimid dhalinyarada Somaliyeed ee ku nool qaaradan Europe. Muhiimadda iyo hadafka ciyaarahan looga danleeyahay ayaa ah in ay dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool qaaradan Europe ay isku dhex gali lahaayeen afkaartoodana ay halkaa ku soo bandhigaan.
Ciyaarahan ayaa si xiiso leh ku billaabmay, kuna dhammaaday si xarago leh oo dadweynihii ka soo qayb galay aad indhahooda ka dheehanaysay farxadda iyo reeynrayn ay ku qanceen habka loo soo qabanqaabiyay iyo jawiga uu ku dhammaadayba.
Haddaba kama dambaystii ciyaarahan isugu soo baxay labo kooxood oo horay loo sii saadaaliyay kuwaasi oo kala ah kooxda Qaran Sweden oo iyadu horey 3 jeer oo isku xigta qaadday koobkan, iyo kooxda 15-kii sanadoodkii ee ugu dambeeyayba ka soo qayb gelaysay, laakiin habayaraatee aan halkaa guul kala tagin, waa kooxda Dahabshiil Norway.
Kooxdan Dahabshiil Norway ayaa 5tii sanadood ee ugu danbaysayba lagu reebayay gool-ku-laad,
( Benelti-, ama rigoorayaal). Khubarada ciyaarahan goob jooga ka ahaa ayaa dhammaantood ay isku raaceen in Kooxda Dahabshiil Norway ay quwadda jirka iyo xirfadaba ay ka ga horreeyeen dhammaan kooxihii ka soo qayb galay.
Ciyaartan ayaa waxaa garoonka soo buuxiyay dhamaan waalidiinta iyo dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool magaalada Stockhom, kuwaasoo si anshax iyo edeb ku jirto u kala taageerayay labadan kooxood ee finalka isugu soo haray.
Ciyaarta labada kooxood dhexmartay ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis.
15-kii daqiiqadood ee ugu horreeysay ayaa la arkayay in ay kooxba kooxda kale darsaysay habka ay u ciyaarto.
Ciyaartu markii ay socotay 18 daqiiqadood ayaa kooxda Qaran Sweden gool si wanaagsan loo soo dhisay ay halkaas ka dhaliyeen, taageerayaashii kooxda Qaran Swedena ayaa halkaas dabaal dag iyo sawaxan qaylo farxad wata ka dhigay. inkastoo kooxda Dahabshiil Norway gool lagaga hormaray haddana may is dhigan oo aad ayay isku dajiyeen maadaama waqti badan uu ka haray ciyaarta.
Daqiiqaddii 33aad ayay kooxda Dahabshiil Norway ay la soo baxday dardar iyo isku xirnaan ka muuqata ciyaartooyda dhexda ka ciyaarayay iyo weeraryahannadaba. Waxaa halkaas ugu suurtowday in ay goolkii lagu lahaa iska soo gudaan , ciyaartiina ay noqotay 1 iyo 1.
Qaybtii danbe markii la isugu soo noqday ayaa dhammaanba garoonka laga dareemay in ay kooxdii Ka socotay Dahabshiil Norway ay si xarago leh ay u maamulanaysay ciyaarta, inkastoo kooxda Qaran ay dadaalaysay haddana waxaa mar qura looga naxsaday goolkii labaad.
Kooxdii Dahabshiil oo ogaa in aan la dhayalsan karin kooxda Qaran oo sanadkii 2012 ku guulaysatay koobkan ayaa aad u adkaysay difaaceeda maadaamaa ay goolkii labaad heleen.
Si kasta ciyaartu ha ahaatee waxaa weerar aan loo kala harin soo qaaday kooxda Qaran oo doonaysay in ay iska soo gudo goolkan lagu hoggaaminayay, inta badana waxay hujuum aan loo kala harin ku qaadeen dhinicii kooxda Dahabshiil Norway.
Weerar iyo weerar celis kaddib ayaa mar kale kooxdii Dahabshiil Norway u suurta gashay in ay goolii 3 dexaad ay halkaa ka dhaliyaan, waxaana 3da goolba u saxiixay laacibka Abdirashiid Caddaay oo isagu halkaas ku guddoomay biladdii gool dhaliska intii ay ciyaarahani socdeen.
Ciyaartaasina waxay ku soo idlaatay 3 Dahabshiil Norway , 1 Qaran Sweden, halkaana waxaa koobkii ku hantiyay kooxdii ka socotay Dahabshiil Norway oo sugaysay hanashada koobkan mudo 15 sanadood ah.
Waxaa kooxda Dahabshiil Norway koobka guddoonsiiyay gudoomiyaha Ururka SEUKI Mr Faysal Faarax Makaraan una hambalyeeyay dhammaan kooxihii iyo taageerayaashii ka soo qayb galay intii ay ciyaarahaasi socdeenba.
Haddaanu nahay bahda saxaafadda Norway waxaan leenahay Kooxda Dahabshiil Norway hambalyo guusha aad u soo hooyseen shacab weynaha Soomaliyeed ee ku nool dalka Norway.
Mahad Turbashaah.
[email protected].
Stockholm, Sweden