4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Madaxa Hay'adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR (SAWIRRO)


Talaado, July 09, 2013 (HOL) —  Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta kula kulmay Muqdisho wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaya madaxa hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR, Antonio Guterres.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Soomaaliya dariska la ah iyo kale ee caalamka, iyadoo la qorsheynayo in sannadkan shir looga hadlayo dib u soo celinta qoxootiga Soomaalida ee Kenya lagu qabto magaalada Nairobi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka mid ahayd xubnihii goobjoogga ka ahaa kulankan oo qaatay muddo saacado ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhiirri-geliyay madaxa UNHCR inay hay'addu gacan ka geysato sidii qoxootiga Soomaalida ee ku nool dalaka ay Soomaaliya jaarka yihiin kuwa kale ee caalamka dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Sidoo kalena ay u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Sidoo kale, Jawaari ayaa soo hadal qaaday barakacayaasha ku nool gudaha Soomaaliya, isagoo ka dalbaday hay’adaha Qaramada Midoobay inay gacan ka geystaan sidii loo caawin lahaa barakacayaasha.

“Waxyaabaha wafdigan uu kala hadlay guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ka mid ah sidii loo qaban lahaa shir u gaar ah qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku nool,” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda oo markii uu kulanku soo dhammaaday la hadashay warbaahinta.

Madaxa hay'adda UNHCR, Antonio Guterres oo isaguna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxda dowladda uu kala hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin qoxootiga Soomaaliyeed ee dalalka dariska ah iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Antonio Guterres iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa inay booqasho ku tagaan xeryaha qoxootiga ee ay ku jiraan Soomaaliya oo ku yaalla dalalka Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo ah kuwa ugu waaweyn caalamka ee ay ku jiraan dad qoxooti ah.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya