4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Xaflad soo dhaweyn ah oo London loogu Sameeyay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Aadanaha Baarlamaanka (SAWIRRO)


Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Jaalliyadda reer Jowhar ee ku dhaqan magaalada London ee dalka Britian ayaa xaflad soo dhaweyn ah xalay ugu sameeyay magaaladaas guddoomiyaha guddiga xuquuqul aadanaha, arrimaha bani'aadannimada, haweenka iyo carruurta baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xafladdan oo ahayd mid casho ah ayaa waxaa xildhibaanadda kala qayb-galay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), waxaana xubnihii soo qabanqaabiyey ay tilmaameen inay aad ugu faraxsan yihiin inay xildhibaanad Khadiijo kusoo dhaaweeyaan.

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo xafladda khudbad ka jeediyay ayaa ku ammaanay jaaliyadda reer Jowhar isku duubnida ay muujiyeen, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid ka turjumaysa sida ay u jecel yihiin dowladda Soomaaliya, isagoo dhanka kalena ka hadlay isbedellada hormarineed ee dalka ka jira.

Xildhibaannada oo iyaduna hadasahay ayaa ka sheekeysay sida howlaha baarlamaanku ay xilligan u socdaan; iyadoo xustay inay yihiin howlahan kuwo ku saleysan la-tashiga dadweynaha, ayna dhammaan guddiyada uu ka kooban yahay baarlamaanka ay ula tashadaan shacabka marka ay tallaabo qaadayaan.

Xafladan soo dhaweynta ah ee loo sameeyay xildhibaanad Khadiijo ayaa ah mid habennadii ugu dambeysay loogu sameynayay guddi baarlamaanka ka socda oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad oo safar shaqo ku jooga London.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya