4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Kulan lagu soo dhaweynayay bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu qabtay Gobolka Minnesota (SAWIRRO)


Talaado, July 9, 2013(HOL)-Iyadoo dunida Muslinka caam ahaan laga soo dhaweenayo bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa gobolka Minnesota lagu qabtay kulan Muxaadarooyin ah oo isagu jiro khayrka bishan ay xanbaarsantahay iyo danbi dhaafkeeda.

 

 Kulan Diineedkan ay qabanqaabadiisa lahayeen masjidka Nuural Imaan ayaa culumadda ka soo qayb gashay ay kala yimadeen dalalka Ciraaq, Ingiriiska,Canada, & waliba Gobolada Dalkan Maraykanka Sida Ohio ,Illinois,Kentucky & Gobalkan Minnesota

 

Sheikh Hashim Algaylani oo ka mida Culumadda Dalka Ciraaq oo lagu Cusuumay Kulankan ayaa dadka muslimiinta ahaa uga shakeeyay fadliga ay bishan leedahay , wayneenta ay bishan wayneen jireen axsaabtii Nabi Maxamed NNKH, bishan waa bishii quraanku soo dagay waana mid loo baahan yahay in dadka muslimiinta ee ku nool dunida galbeedka ay tahay in ay u adkaystaan xiliga kulul ay ku soomayaan ee aadka u dheer.

 


Sheikh Ahmed Bin Aissa oo kasoo baqoolay dalka Canada Magaalada Ottawa Ahna Garyaqaan  muxaadaradiisa ku baxaysay luuqada ingiriiska  ayuu si gaara ula hadlayay Dhalinyaradda ,waxuu u tusaaleeyay Tarbiyadda wanaagsan ,waxuu uga Sheekeeyay aqlaaqda islaamka waxuuna ku booriyay cabsida alle & in baari loo noqdo walidiinta

 

Culumadda Soomaaliyeed ee Halkaa Muxaadarooyinka Qiimaha leh ka jeediyay waxaa ka mida ahaa Shariif Maxamud Shariif Cali, Sheikh Axmed Suufi,Sh. Cabdiwali Sh.Maxamed Guuleed

Sh.Sahal Macalin

 

Shiikh Maxamed Caafi oo ka mida Culumadda Masjidka Nuural Imaan oo la hadlay HOL gabagabadii kulan diineedkaan oo socday 2 cisho waxuu yiri waa alle mahadii in si nabada wuu noogu dhamaaday kulankan ay labadaa cisho ka baxaan ugu yaraan 10 muxaadaro oo kala duwan ,dadwaynahii ka soo qaybgalayna ay aad ugu faaiidaysteen iyagoo ka kala yimi magaalooyin badan  oo ku yaal dalkan Maraykanka.

 

Ma ahan kulankan oo qura mid lagu soo dhaweenaynayo bisha barakaysan ee Ramadaan ,Muxaadarooyin kale ayaa todobaadkii hore iyaguna ka socday magaalada St Pual Masjidka Lagu Magacaabo Al-Ixsaan ooy Dadwayne fara Badan kasoo qayb galeen





 

Siyad Said Salah

[email protected]

Minneapolis, Minnesota