4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Madaxweynaha KMG ah ee Masar oo Sheegay inuusan Max'ed Al-baradici u Magcaabin Ra’iisul Wasaaraha Masar (SAWIRRO)


Axad, July 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha KMG ah ee dalka Masar, Cadli Mansuur ayaa maanta sheegay inuusan ra’iisul wasaaraha Masar u magacaabin siyaasiyiinta Maxamed Al-baraadici oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn ugu ololeynayay in xukunka laga tuuro madaxweynihii lasoo doortay ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Afhayeenka madaxweynaha, Axmed Al-Muslimani oo maanta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weli ay socoto xulashada ra’iisul wasaaraha cusub ee Masar, isagoo diiday in xilkaas loo magacaabay Al-baraadici.

Mid ka mid ah xubnaha sarsare ee xisbiyada mucaaradka dalkaas oo lagu magacaabo Muniir Fakhri C/nuur ayaa sheegay in ururkiisa Al-Nuur oo ay leeyihiin kooxda salafiga ah ee dalka Masar ay kasoo horjeedaan in Al-baraadici loo magcaabo xilkan.

Dhanka kale, magaalada Qaahir ee xarunt dalka Masar ayaa waxaa ka socda dibadbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan taageerayaasha Mursi iyo kuwa kasoo horjeeda, kuwasoo ay ku dhinteen 36-qof, kun qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Taageerayaasha Mursi ayaa waxay ku sugan yihiin afar goobood oo waaweyn oo ku yaalla bartamaha magaalada Qaahira, iyagoo dalbnaya in xukunka lagu soo celiyo madaxweynihii hore ee milaterigu in-qilaabay.

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa ku sugan goobaha ay xubnaha taageersan Mursi dibadbaxyada ka dhigayaan, iyadoo ay xabsiga ku jiraan Maxamed Mursi iyo xubno ka tirsanaa dowladdiisii xukunka laga tuuray.

Hadalka soo baxay ee sheegaya in Al-baraadici loo magacabaay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Masar ayay taageerayaasha ururka uu ka tirsan yahay Mursi ee Akhwaanal Muslimiin waxay ku tilmaameen mid ay ka dambeeyeen milateriga.

Madaxweynaha KMG ah ee Masar ayaa maanta la kulmay madaxa guud ee ciidamada dalka Masr, C/fitaax Al-siisi isagoo kala hadlay rabshadah weli ka socda qaybo badan oo ka tirsan dalka Masar, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Ibraahim.

Tallaabada ay qaateen milateriga Masar ayaa waxay dalkaas ka abuurtay walaac weyn iyadoo la kala diray baarlamaankii dalkaas, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalkaas ay ku fasireen tallaabadan inay tahay mid sababi karta in Masar ay dib ugu laabato xukun adag oo la mid ah kii Xusni.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya