4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Madaxweynaha & Ra’iisul waasaraha Soomaaliya oo ka qaybgalay Salaaddii Janaasada ee Boqor King-Kong (SAWIRRO)


Axad, July 07, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, ra’iisul wasaaraha, wasiiro iyo xildhiabanno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qaybgalay salaaddii janaasada ee Boqor C/llaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo maydkiisa maanta laga soo dajiyay garoonka weyn ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa maydkiisa loo qaaday degmada Qardho halkaas oo maanta lagu aasayo, waxaana madaxda dowladda ay u duceeyeen maydka boqorka oo dhawaan ku geeriyooday dalka Finland.

“Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE uga baryayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan Soomaalida inuu samir iyo iimaan ka siiso Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo si weyn looga yaqaanno Somalia, ahaan mid ka mid ah mas’uuliyiinta Qaran ee dadaallada badan u soo galay sidii dalka uu ku noqon lahaa mid xasilloon,” ayuu madaxweynuhu yiri janaasada kaddib.

Sidoo kale,  madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu ahaa boqorku shaqsi si aad ah uga shaqeynayay nabaddeed. Sidoo kaena uu siyaasadda siyaasadda ka sakow ka mid ahaa madax dhaqameedka Soomaaliyeed.

Intaas kaddib wuxuu madaxweynaha Soomaliya gacan-qaaday dhammaan ehelladii qoyska oo ay ku jiraan xaaskiisii iyo caruurtiisii oo kasoo raacay dalka Finaldn, isagoo Alle uga baryay inuu Samir iyo iimaan buuxa ka siiyo.

Dhanka kale, waxaa munaasabadda janaasada ah ka qaybgalay siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo dadweyne Soomaaliyeed, kuwaasoo dhammaantood Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisii fardowso ahayd ka waraabiyo.

Inta badan maydadka madaxdii dalka soo maray, siyaasiyiinta iyo cid walba oo waxgarad ah ayaa lasoo marsiinayay sannadihii ugu dambeeyay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana xubnihii lasoo marsiiyay ka mid ahaa Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo horay madaxweyne uga soo noqday Soomaaliya.

Boqor C/llaahi Boqor Muuse King Kong ayaa wuxuu 24-kii bishii lasoo dhaafay ku geeriyooday dalka Filand halkaasoo uu muddo ku xanuunsanaa, waxaana suurogashay in maanta lagu aaso duleedka magaalada Qardho ee Puntland.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya