4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada Qaadka Dalka Kenya oo ugu baaqay Britain in ay ka laabto Go’aanka mamnuucidda Jaadka


Axad, July 07, 2013 (HOL) — Siyaasiyiinta Kenya iyo gacanacsatada jaadka ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay kala hadasho dhiggeeda Britain go’aanka lagu mamnuucayo ganacsiga jaadka, kaasoo sabab u noqonaya in malaayiin doollar oo khasaare ah ay soo wajahdo wax-soo-saarka beeraha dalka Kenya.

Beeraleyda Kenya ayaa sheegaya in go’aanka ay Britain u mamnuucayso ka ganacsiga jaadka uu saameyn xooggan ku yeelanayo dhaqaalaha Kenya iyo weliba ganacsiga dalkaas. Iyadoo jaadka oo ka baxa gobollada ku yaalla bar-tanka Kenya loo dhoofiyo dalal ku yaalla Yurub iyo Soomaaliya, halkaasoo ay ka helaan dhaqaale fara badan.

Guddoomiyaha ururka beeraleyda dalka Kenya, Kipkorir Menjo oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in mamnuucidda jaadka ee Britain uu dhibaatooyin xagga nolosha ah ku keenayo tobannaan kun oo dadka Kenya ah, kuwaasoo ka shaqeysta ganacsiga jaadka.

“Wax-soo-saarka Jaadka waxaa soo wajahday caqabad aad u daran, kuwaas oo soo wajahaya beeraleyda iyo dadka qaadka ka ganacsada. Waayo Britain waxay ahayd meesha keliya ee ay dadkan ay lacagta ugu badan ka helaan, sidoo kalena dalku wuxuu ka helaan lacag adag,” ayuu yiri Kipkorir.

Xoghayaha arrimaha gudaha Britain, Theresa ayaa Arbacadii lasoo dhaafay ku dhawaaqday in Britain ay ka go’an tahay inay mamnuucdo ka ganacsiga jaadka ee dalkeeda, iyadoo sheegtay in keenista jaadka uu sabab u noqday in dalkeeda iyo dalal kale oo Yurub ah lagu soo geliyo xamuul sharci-darro ah.

Madaxa xiriirka caalamiga ah ee ganacsiga jaadka Kenya, Jephat Muroko oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inuu u maleynayo inay xiriir la leedahay dacwadda madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta kaga furan ICC, isagoo ku canaantay dowladda sababta ay arrintan uga aamusan tahay.

Dalka Britain ayaa waxaa toddobaad kasta uga dhoofa Kenya 36 tan oo jaad ah, kuwaasoo lagu isticmaalo gudaha dalkaas. Sidoo kale Kenya waxay 20 tan oo jaad ah u diri jirtay dalka Holland kaasoo looga gudbin jiray dalal kale oo Yuruub ku yaalla sida Faransiiska iyo Jarmalka oo jaadku uu mamnuuc ka yahay.

Waddamo badan oo caalamka ah ayaa waxay jaad u haystaan qayb ka mid ah daroogada, waxayna ka mamnuuceen dalalkooda, inkastoo dalalka bariga Afrika laga rumeysan yahay in jaadku uu yahay geed barakeysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya