4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2013
Sheekh Axmed Madoobe oo gaaray Puntland iyo Qaban-qaada Aaska Boqor King Kong oo ka Socota Qardho (SAWIRRO)


Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Puntland, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxaana ka mid ahaa wafdigan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweynta kaddib la hadlay warfidiyeenka ayaa sheegay in imaanshaha wafdigan uu hoggaaminayo Axmed Madoobe ay salka ku hayso sidii ay uga qaybgeli lahaayeen aaska berri loo sameyn doono Boqor C/llaahi Boqor Muuse oo dhawaan ku dhintay dalka Finland.

“Wafdigan waxaan kawada hadli doonnaa aaska  boqorka kaddib ammaanka dalka iyo Jubbooyinka,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu taageero buuxda u hayo maamulka Jubbaland oo bishii May ee sannadkan looga dhawaaqay Kismaayo.

Sh. Axmed Madoobe oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Puntland yimaado, socdaalkiisana uu isugu jiro inuu la kulmo madaxda Puntland, inuu booqdo dhaawacyadii Kismaayo laga keenay iyo inuu ka qaybgalo aaska Boqor King Kong.

“Puntland waa maamulkii dhalay Jubbaland, waxayna taariikh ku leedahay ilalainta midnimada Soomaaliya. Innaguna waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqeyno,” ayuu yiri Sh. Axmed Madoobe oo intaas raaciyay inuu kala hadli doono madaxda Puntland sidii ay u garab-istaagi lahaayeen maamulka uu madaxda ka yahay ee Jubbaland.

Shacab fara badan ayaa magaalada Garoose kusoo dhaweeyay Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdigiisa, waxaana lagu wadaa inuu caawa ka hadlo kulan ka doono xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Dhanka kale, qabanqaabada aaska Boqor King Kong ayaa ka socota degmada Qardho, halkaasoo ay ku qulqulayaan dadweyne fara badan oo isaga yimid deegaannada ay Puntland ka kooban tahay iyo dalka dibaddiisa.

Maydka boqor C/llaahi King Kong ayaa lagu wadaa in subaxda hore ee berri oo Axad ah la keeno garoonka diyaaradaha ee Muqdisho halkaasoo lagula tukan doono salaadda Jinaasada, waxaana markaas kaddib loo duulin doonaa degmada Qardho, iyadoo madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ay horay u sii raaci doonaan.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya