3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2013
Wafti ka socda Somaliland oo u Ambabaxay ka Qayb-galka wada-hadallo ka Furmaya Waddanka Turkiga (SAWIRRO)


Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Wafti ka kooban wasiiro iyo xubno labadda gole Baarlamaan ka kooban, ayaa shalay u anbaxay dalka Turkiga si ay u fuliyaan ballantii hore loogu qabtay in saddex bilood ka dib la bilaabo wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa sheegay inay Turkiga u tagayaan sidi loo bilaabi lahaa wada hadalkii labadda dhinac u socday, isla markaana ay sii qabanqaabinayaan ajandayaasha laga wada hadli doonno.

Sidoo kale, waxa uu wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, eedeen usoo jeediyey Guddoomiyaha UCID inuu dalka khiyaameeyay kadib markii uu London kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo daba socday eedo uu shalay u jeediyay Xukuumadda Faysal Cali Waraabe ayaa sharaxay weftiga xubnaha uu ka kooban yahay iyo sababta gudoomiyaha UCID loogu dari waayey weftiga.

“Madaxweynaha ayaa qorsheeya Guddiyadda baxaya ee Qaranka, Madaxweynuhu waxa uu u qorsheeyay inay sadexda Gole ka qeyb galaan. Waxa maraya Golihii Xukuumadda oo ay sadex Wasiir ka marayaan. Waxa kale oo maraya Goleyaashii baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) oo ay sadex xubnood ka marayaan.”ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadda oo ka hadlay xubna ay kaga qaybgalayaan wada hadalka.

Wasiir Xirsi oo ka hadlaya sababta weftiga looga reebay gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo mar walba lagu dari jiray weftiyadda wada hadalka waxa uu yidhi  “Faysal Taariikhdiisa waa la yaqaanaa, haddii uu na raaci jirayna lugooyo ayuu nala raaci jiray, haddii uu naga hadhayna lugooyo ayuu nagala hadhay.”, waxaanu intaas ku daray “Waxa Macruuf ah maalintii uu khiyaameeyay wadanka waa la garanayaa, waa maalintii dhawayd ee isagoo ka mid ahaa Gudidii wada hadalada uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay London, iyadoo aanu cidna uga fasax qaadan,”

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa laba maalmoo dka hor eedeemo usoo jeediyey wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan, isla markaana ku tilmaamay inuu wasiirkaasi awoodii dawladda uu maroorsaday, taasina waxay keentay in wasiirka isna eedeemo kale usoo jeediyo Faysal.

Si kastaba ha ahaatee,waa markii ugu horeysya ee wada hadalada laga reebo xisbiyada qaranka, haseyeeshee waxa dhankoodii lagu daray xubnaha Golaha Wakiilada iyo Guurtidda ka socota, iyadoo hore guurtiddu aanay ka mid ahaan jirin.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/6/2013 11:57 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sh. Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Puntland, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxaana ka mid ahaa wafdigan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.

7/6/2013 11:30 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-dagtay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la aasaasay, iyagoo magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ay kusoo ban-dhigeen waxqabadkooda muddadii sanadka ahaa ee ay jireen.

7/6/2013 9:48 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Baaritaanno lagu sameynayo dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii Kismaayo ayaa manta ka billowday Muqdisho, iyadoo ay booqdeen maanta isbitaallada ay ku jiraan xubno ka socda ururrada ka shaqeeya xuquuqda aadanaha.

7/6/2013 7:59 AM EST
Inkastoo xukuumadda Kenya aysan wali jawaab rasmi ah ka bixin xumaanshaha xiriirka diblamaasiyadeed ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa haddana wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya aad looga dareemayaa halka uu gaaray xiriirka labada dal.

7/6/2013 2:45 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Tartan Qur’aanka akhris ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa halkaas lagu soo gabgabeeyay, iyadoo abaalmarinno la guddoonsiiyay afartii arday ee kaalinta hore ka galay tartankaas.

7/6/2013 2:10 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay markii ugu horreysay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya ugu xiran Muqdisho.

7/6/2013 2:09 AM EST
Sabti, July 06, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar ka mid ah dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Bakool shalay oo Jimco ahayd.