3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Maxjarka Xannaanada Xoolaha ee Jasiira oo ay ku jiraan Xoolo diyaar u ah in loo dhoofiyo dalka dibaddiisa (SAWIRRO)


Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Maxjarka xannaanada xoolaha ee Jasiira oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira kumannaan xoolo ah oo loo diyaariyay in ganacsi ahaan dibadda loogu dhoofiyo, waana maxjarka keliya ee ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mar aan maanta booqday maxjarkaas ayaa waxaa ka socotay howlo lagu baarayo xoolaha ku jira, iyadoo xoolaha ku jiray ay isugu jireen geel iyo ari kuwaasoo lagu wado in dhawaan laga dhoofiyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan u mahadcelinaynaa Allihii noo suurogeliyay furitaanka maxjarkan oo qaadi kara in ka badan 250,000 oo neef. Marka xiga waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan shirkaddaha Soomaaliyeed ee aan u adeegno. Waa maxjarka keliya ee ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana qabanaa baaritaannada xoolaha, daweyntooda, xannaaneyntooda, kaddibna waxaan siinnaa ganacsatada xoolaha iska leh caddeymo ku saabsan faya-qabka xoolahooda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda iska leh maxjarka ee Jaziira.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in maxjarku uu awoodo in mar qura ay ku hoyan karan 220,000 oo ari ah, 10,000 oo geel ah iyo 20,000 oo Lo’ ah.

“Maxjarku wuxuu leeyahay 47 xero guud ahaan, wuxuuna ogolaansho ka haystaa hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay caafimaadka xoolaha (OIE) , isla markaana ay aqoonsadeen dalalka Carabta oo ah dalalka ugu badan ee loo dhoofiyo xoolaha Soomaaliya, gaar ahaan Suucuudiga iyo Cumaan. Maxjarku wuxuu ku shaqeyaa heerka caalamiga ah ee waafaqsan xeerarka u dajisan OIE, waxaana shaqaale ka ah dad isugu jira ajnabi iyo Soomaali oo aqoon durugsan u leh xannaanadda xoolaha, isla markaana waxuu isticmaalaa shaybaar casri ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Maamulaha guud ee maxjarka Jasiira, C/kamaal Maxamed Sheekh C/llaahi ayaa sheegay in maxjarku uu ruqsad buuxda ka haysto boqortooyada Sucuudiga, taasoo u ogolaanaysay inay xoolaha soo mara maxjarka loo dhoofin karo boqortooyadda Saudi Arabia.

“Maxjarku waxuu soo dhaweynayaa cid kasta, qof ama shirkad doonaysa in ay dhoofsato xoolo nool iyo mid la xalaaleeyayba si ay u hesho caddeyn iyo shahaado ay isku hubto,” ayuu yiri Cabdikamaal.

Dhanka kale, mas’uulka maxjarka ayaa sheegay in tan iyo markii ay howsha billaabeen ay ka dhoofiyeen dekedda weyn ee Muqdisho, kuwaasoo isugu jiray, geel, lo’ iyo ari. Waxaana xoolahaas lahaa shirkado kala duwan oo ka dhisan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Shirkadaha qaata xoolaha soo mara maxjarkan ayaa waxay kala yihiin: mu’asasadda Suleymaan Al-jaabiri ee dalka Sucuudiga, shirkadda xoolaha ee Al-Cimraan, shirkadda xoolaha ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, maamulka guud ee maxjarka ayaa sheegay in sababaha ay u doorteen in maxjarkan ay ka hirgeliyaan deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho si ay xooluhu u helaan dhul-carro-san ah oo xooluhu ay ka heli karaan hawo wanaagsan, isla markaana ku dhow dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/5/2013 5:30 PM EST
Jimco, July 5, 2013(HOL)—Waxaa lagu qabtay Magaalada Wuhan ee Dalka Shiinaha xaflad ballaaran oo lagu maamusayay arday ka qalinjebisay afar Jaamacadood oo ku yaal Magaaladaas, taasoo ahayd tii ugu badneyd arday mar kaliyah ka qalin jabisay jaamacadaha waddanka Shiinaha. Ardayda qalin-jebisay ayay tiradoodu ahayd 78 arday oo kala ahaa 59 Dhakhtar, 18 Engineer iyo Arday bartay luuqadda Shiinaha.

7/5/2013 1:54 PM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya oo ka hadasha xukun ka tuuristii madaxweynihii Masar, Maxamed Mursi ayaa sheegay inay tusaale u tahay in awoodda dalkaas oo dhan ay gacanta ugu jirto ciidamada, ururrada Islaamiga ah aan loo ogoleyn inay xukun qabtaan.

7/5/2013 9:56 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa siweyn loogu amaanay isbadalka uu ka sameeyay amniga magaalada iyo dib u habeynta ciidamada kadib booqasho maalintii shalay ay ku tageen magaalada Baladweyne saraakiil ka tirsan booliiska AMISOM.

7/5/2013 9:48 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dagaalladii ka dhacay Kismaayo ay ku dhinteen 71-qof ayna ku dhaawacmeen 300 oo qof oo kale, kuwaasoo intooda badan ay ahaayeen shacabkii magaaladaas ku noolaa.

7/5/2013 8:24 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) - Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa shaaciyay in Xayiraad saarnayd ayraboorka Aadan cadde intii dagaallada sokeeye socdeen si rasmi ah loo qaaday.

7/5/2013 8:10 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Waxaa garoonka kubadda cagta ee Central High School ee magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota lagu soo gaba-gabeeyay ciyaar kubadda cagta ah oo lagu maamuusayay toddobaadka xorriyadda Soomaaliya iyo Mareykanka.

7/5/2013 3:37 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xukuumadaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaa kawada hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalkaas loo geysto, iyadoo kulan arrintaas ku saabsan ay magaalada Pretoria ay ku yeesheen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.

7/5/2013 2:51 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo markii ugu horreysay ka hadlay warbixin ay kooxda la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eriteriya ay ku sheegeen in lacago badan oo sharci-darro ah laga baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin lacago lagala baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

7/5/2013 2:49 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku taliyay in dowladda Soomaaliya ay magacowdo guddi baaris ku sameeya dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo, kuwaasoo u dhexeeyay rag isku haysta xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubbaland.

7/5/2013 2:46 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ow-diinle oo ku dhow degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.