3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 5 , 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo lagu ammaanay Is-beddelka uu ka sameeyay Ammaanka iyo dib u Habeynta Ciidamada


Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa siweyn loogu amaanay isbadalka uu ka sameeyay amniga magaalada  iyo dib u habeynta  ciidamada kadib booqasho maalintii shalay ay ku tageen magaalada Baladweyne saraakiil ka tirsan booliiska AMISOM.

Kulan ay wada qaateen saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan iyo wafdiga AMISOM ayaa looga wada hadllay sida loo sii hormarin lahaa dhismaha ciidamada booliiska gobolka iyo tayeeyntooda, iyaga oo balan-qaaday in tababaro dheeraad ah la siin doono ciidamada.

Taliyaha qeybta booliiska maamulka gobolka Hiiraan Col Isaaq Cali C/dulle oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in ay isku afgarteen saraakiisha AMISOM sidii loo xoojin lahaa dhismaha ciidamada, loona siin lahaa qalab ku filan oo ay ku howlgalaan iyo in ciidamo ka tirsan booliiska AMISOM la geeyo magaalada Baladweyne si markaa ay qeyb uga noqdaan howlgalada amniga lagu sugayo.

'Wax-yaabihiii aan isla soo qaadnay oo dhan waa isku afgaranay, waxaana ay inoo sheegeen in ay siweyn ula dhacsan yihiin heerka ay gaarsiisan yihiin ciidamada booliiska gobolka iyaga oo aan waliba helin tababar ku filan,'' ayuu yiri Col Isaaq Cali C/dulle.

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay dhinacooda in ay siweyn ugu amaanayaan mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan shaqada wanaagsan oo ay ka qabteen sugida amniga iyo dib u habeynta ciidamada, iyaga oo intaa ku darran in ay gacan ku siin doonaan sidii loo sii hormarin lahaa guulaha laga gaaray wax ka qabashada nabad-galyada.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka oo kaashanaya saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa u muuqda kuwo xoogga saaray sidii salka loogu dhigi lahaa amniga, iyaga oo ku howlan tababaro is daba joog ah oo la siinayo ciidamada militariga iyo kuwa booliiska, waana tan keentay in lagu amaano maamulka sida uu isaga xil saaray wax ka qabashada nabad-galyada.

Wafdiga ka socday booliska AMISOM ee booqday magaalada Baladweyne ayaa balan-qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda-gali doonaan si hormarinta tayada iyo aqoonta ciidamada booliska maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
7/5/2013 5:30 PM EST
Jimco, July 5, 2013(HOL)—Waxaa lagu qabtay Magaalada Wuhan ee Dalka Shiinaha xaflad ballaaran oo lagu maamusayay arday ka qalinjebisay afar Jaamacadood oo ku yaal Magaaladaas, taasoo ahayd tii ugu badneyd arday mar kaliyah ka qalin jabisay jaamacadaha waddanka Shiinaha. Ardayda qalin-jebisay ayay tiradoodu ahayd 78 arday oo kala ahaa 59 Dhakhtar, 18 Engineer iyo Arday bartay luuqadda Shiinaha.

7/5/2013 1:54 PM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya oo ka hadasha xukun ka tuuristii madaxweynihii Masar, Maxamed Mursi ayaa sheegay inay tusaale u tahay in awoodda dalkaas oo dhan ay gacanta ugu jirto ciidamada, ururrada Islaamiga ah aan loo ogoleyn inay xukun qabtaan.

7/5/2013 1:54 PM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Maxjarka xannaanada xoolaha ee Jasiira oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jira kumannaan xoolo ah oo loo diyaariyay in ganacsi ahaan dibadda loogu dhoofiyo, waana maxjarka keliya ee ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

7/5/2013 9:48 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dagaalladii ka dhacay Kismaayo ay ku dhinteen 71-qof ayna ku dhaawacmeen 300 oo qof oo kale, kuwaasoo intooda badan ay ahaayeen shacabkii magaaladaas ku noolaa.

7/5/2013 8:24 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) - Wasiirka warfaafinta, Boostada iyo gaadiidka Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa shaaciyay in Xayiraad saarnayd ayraboorka Aadan cadde intii dagaallada sokeeye socdeen si rasmi ah loo qaaday.

7/5/2013 8:10 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Waxaa garoonka kubadda cagta ee Central High School ee magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota lagu soo gaba-gabeeyay ciyaar kubadda cagta ah oo lagu maamuusayay toddobaadka xorriyadda Soomaaliya iyo Mareykanka.

7/5/2013 3:37 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xukuumadaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaa kawada hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Soomaalida ku nool dalkaas loo geysto, iyadoo kulan arrintaas ku saabsan ay magaalada Pretoria ay ku yeesheen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood.

7/5/2013 2:51 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda iyo qorsheynta dowladda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo markii ugu horreysay ka hadlay warbixin ay kooxda la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eriteriya ay ku sheegeen in lacago badan oo sharci-darro ah laga baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin lacago lagala baxay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

7/5/2013 2:49 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku taliyay in dowladda Soomaaliya ay magacowdo guddi baaris ku sameeya dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo, kuwaasoo u dhexeeyay rag isku haysta xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubbaland.

7/5/2013 2:46 AM EST
Jimco, July 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ow-diinle oo ku dhow degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.