3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Xaflad Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dhallinyaro Tababar dhameystay oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYL II oo ah urur ka shaqeeya arrimaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta ku qabtay Muqdisho xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiiyay arday bartay xifado kala duwan oo ay ku shaqeystaan.

Ardayda tababarka dhameystay ayaa waxay tiradoodu ahayd 150, iyadoo uu tababarkan bixiyay ururka SYL II, waxaana xirfadihii ay barteen ka mid ahaa makaaniknimada, tolliinka dharka, kallaaliyenimo, xisaabtaadka ganacsiga iyo horumarinta bulshada, iyadoo ay xirfadaha u dheereed barashada hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waddaniyadda, tarbiyada Islaamka iyo weliba taariikhda Soomaaliya, si dhallinyarada looga dhiso garaadka laguna abuuro isbedel.

Xafladdan ayaa ka dhacday xarunta tababarrada iyo xirfadaha SYL II, iyadoo ay kasoo qaybgaleen waaliddiin, ururada bulshada, jaamacadaha dalka qaar ka mid ah, xubno ka socday wasaaradda arrimaha bulshada oo uu ka mid ahaa, agaasimaha guud ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha, Aweys Sheekh Xaadaad iyo agaasimaha waaxda tababarada shaqaalaha, Ismaaciil Macallin Cabdullaahi.

Agaasimaha ayaa uga mahad-celiyay naqay ururka SYL II dadaalka uu ku bixiyay sidii uu dhallinyarada Soomaaliyeed xifrado u bari lahaa uuna u bixin lahaa iftiinka aqoonta. Isagoo sheegay in SYL II ay qabatay howl ay qaban lahayd wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, wuxuuna ugu baaqay dowladda in ururka SYL II ay kala shaqeeyaan horumarinta dhallinyarada.

Sidoo kale, Aweys Xaadaad dhallinyarada qalin-jabineysay ku booriyay inay CV-yadooda keensadaan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha si wasaaraddu ugu raadiso fursado shaqo, si ay xirfadaha ay barteen ugu shaqeeyaan.

Intii ay socotay xafladda ayaa waxaa kooxda Rajo Band oo ah naadi ay SYL II aasaastay ay soo bandhigeen suugaan ka hadlaysay faa’iidada ay dadka u leedahay waxbarashada iyo wadaniyadda, maadaama toddobaadkan uu ku beegnaa toddobaadkii xorriyadda Soomaaliya.  Kooxda Rajo waxay kaloo soo bandhigeen ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ah.

Ugu dambeyn, Aweys Xaadaad, maamulka iyo macalimiintii ardaydan wax soo baray ayaa guddoonsiiyay shahaadooyinkoodii. Sidoo kale ardaydii galay kaalinta koowaad waxaa la guddoonsiiyay hadiyado dhiirrigelin ah.

Ururka dhallinyarada SYL II ayaa si weyn uga qayb-qaata horumarinta, wacyi-gelinta iyo barista xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed si shaqooyin loogu abuuro, waxaana dhalinyaro badan oo xirfad la’aan ah ay noqdeen kuwo ku shaqeysta xirfado kala duwan oo la baray.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/4/2013 2:09 PM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Marwda madaxweyaha Soomaaliya, Qamar Cali Cumar ayaa maanta deeq gaarsiisay xarunta waxbarashada gabdhaha agoonta ah ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

7/4/2013 11:17 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wasiirrada xukuumadda, guddoomiyaha gobolka banaadir, taliyayaasha ciidamada dowladda iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u furay barnaamij muddo laga soo shaqaynayay oo lagu xoojinayo amniga Muqdisho.

7/4/2013 10:51 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa damaanad ku siidaayey masuuliyiin ka tirsanaa wargeyska HUBAAL oo shalay xukun xadhig ahi lagu riday.

7/4/2013 7:40 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya u diray ururka Midowga Afrika oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya, warqaddan oo lagu tilmaamay qarax siyaasadeed oo soo dhexgalay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

7/4/2013 7:21 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Cadli Maxamed Mansuur ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxweynimo ee dalkaas, kaddib markii xilka laga tuuray Arbacadii shalay madaxweynihii hore ee lasoo doortay Maxamed Mursi

7/4/2013 6:53 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba oo kala ahaa ganacsade iyo suldaan ayaa ku dilay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo kooxahaas ay u suurogashay inay ka baxsadaan goobaha ay dilka ka geysteen.

7/4/2013 3:37 AM EST
Khamiis, July 04, 2013(HOL):- Baaq ay soo saareen qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayay si kulul ugu cambaareeyeen ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan ku sugan gobolladaasi, iyagoona ka dalbaday in ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

7/4/2013 2:27 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ka mid ah madaxweynayaashii is-magacaabay ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo uuna wado abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu dib ugu qabsado Kismaayo oo dhawaan laga saaray.

7/4/2013 2:18 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay weheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa booqasho ku tagay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekedda oo ah ilaha ugu waaweyn ee uu dhaqaaluhu kasoo galo dowladda Soomaaliya.