3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa oo Damaanad ku sii daysay Mas'uuliyiin ka tirsan Wargeyska Hubaal ee Shalay la xukumay

Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa damaanad ku siidaayey masuuliyiin ka tirsanaa wargeyska HUBAAL oo shalay xukun xadhig ahi lagu riday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Cabdirashiid Duraan ayaa saxaafadda Madaxa banaan ka aqbalay in Damaanad lagu sii daayo labada Wariye, inta ay Maxkamaddu galayso Dacwada Rafcaanka ah ee ay ka qaateen xukunkii shalay.

Tifaftiraha wargeyska HUBAAL Xasan Keefkeef oo markii la siidayey HOL uga waramayey qaabka loo siidaayey, ayaa sheegay in wada hadal dhexmaray xukuumadda iyo wariyeyaasha la isla gartay in damaanad lagu siidaayo.

“Waxaa wad-hadal dheer dhexmaray warbaahinta iyo xukuumadda, waxaana laga wada hadlay in damaanad lanagu siidaayo, isla markaana anagoo dibadda joogna uu racfaankii aanu xukunka ka qaadanay la sii waddo, taasna waxa aqbalay gudoomiyaha racfaanka sidaas ayaanu ku soo baxnay”ayuu yidhi tifaftiraha wargeyska hubaal Xasan Keefkeef.

Tifaftiruhu waxa kale oo uu sheegay in aan wargeyskii wali laga qaadin xayiraadii balse iyaguna uun damaanad lagu siidaayey, haseyeeshe arrintan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Xukuumadda, garsoorka iyo madaxda warbaahinta, ay isla af-gartay in damaanad lagu siidaayo.

Si kastaba ha haaatee, madaxda xarumaha warbaahinta iyo wariyeyaasha oo shalay kulan degdeg ah iskugu yimid ayaa soo jeediyey in shaqo joojin ay sameeyaan dhamaan warbaahinta madaxa banaan, isla markaana mudaharaad salmi ah ay sameeyaan warbaahinta.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/4/2013 2:33 PM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYL II oo ah urur ka shaqeeya arrimaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta ku qabtay Muqdisho xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiiyay arday bartay xifado kala duwan oo ay ku shaqeystaan.

7/4/2013 2:09 PM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Marwda madaxweyaha Soomaaliya, Qamar Cali Cumar ayaa maanta deeq gaarsiisay xarunta waxbarashada gabdhaha agoonta ah ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

7/4/2013 11:17 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wasiirrada xukuumadda, guddoomiyaha gobolka banaadir, taliyayaasha ciidamada dowladda iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u furay barnaamij muddo laga soo shaqaynayay oo lagu xoojinayo amniga Muqdisho.

7/4/2013 7:40 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa warqad ay kaga cabanayso ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya u diray ururka Midowga Afrika oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya, warqaddan oo lagu tilmaamay qarax siyaasadeed oo soo dhexgalay dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

7/4/2013 7:21 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Cadli Maxamed Mansuur ayaa maanta loo dhaariyay xilka madaxweynimo ee dalkaas, kaddib markii xilka laga tuuray Arbacadii shalay madaxweynihii hore ee lasoo doortay Maxamed Mursi

7/4/2013 6:53 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba oo kala ahaa ganacsade iyo suldaan ayaa ku dilay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo kooxahaas ay u suurogashay inay ka baxsadaan goobaha ay dilka ka geysteen.

7/4/2013 3:37 AM EST
Khamiis, July 04, 2013(HOL):- Baaq ay soo saareen qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayay si kulul ugu cambaareeyeen ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan ku sugan gobolladaasi, iyagoona ka dalbaday in ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

7/4/2013 2:27 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ka mid ah madaxweynayaashii is-magacaabay ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu ku sugan yahay duleedka magaalada Kismaayo uuna wado abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu dib ugu qabsado Kismaayo oo dhawaan laga saaray.

7/4/2013 2:18 AM EST
Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay weheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa booqasho ku tagay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo dekedda oo ah ilaha ugu waaweyn ee uu dhaqaaluhu kasoo galo dowladda Soomaaliya.