4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 3 , 2013
Mucaaradka Puntland oo sheegay in loo diiday Dibadbax ay Qorsheynayeen inay ka sameeyaan Boosaaso (SAWIRRO)


Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Golaha mucaaradka Puntland oo shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskooda magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in maanta laga horjoogsaday bannaan bax nabadeed oo ka dhan ah urur-siyaasadeedka Horseed.

Shir-ay warbaahinta ugu qabteen xaruntooda magaalada Boosaaso ayey ku eedeeyeen xukuumadda xilligan Puntland ka arrimisa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole, iyagoo sheegay in ay caado ka dhigatay cabburinta dadka shacabka ah.

Afhayeenka Golaha Samata Bixinta Puntland Maxamed Cilmi Cabdalla oo ugu horeyn shirkaas jaraa'id ka hadlay, ayaa sheegay in sinaba aan loogu dulqaadin doonin awood ku muquuninta shacabka, arintaasoo uu sheegay in ay tahay mid madax bannaanida dadka iyo bini aadminimadaba liddi ku ah.

“Dadkii aan soo abaabulnay oo tiro ahaan dhowr boqol oo qof ahaa waa la caburiyey, waxaana hor joogsaday ciidamada, muddaahraadkaas waxaa nalooku sheegtay xoog iyo awood, anaguna waan ka xishoonay in aan dadkayaga burbur iyo nidaam darro u horseedno anagoo gacan ka hadal ku jawaabeyna.." Afhayeenka golaha mucaaraka Puntland ayaa yiri.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka urur-siyaasadeedka MIDNIMO Dr. C/qaadir Siciid Shiine oo isna shirkaas jaraa'id ka hadlay, ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in dadka shacabka ah loo diido in ay si cad afkaartooda siyaasadeed u muujiyaan, isagoo xusay in dhaqanka noocan ahi uu yahay mid astaan u ah maamullada keligood taliska ah.

"Ujeedada aan dibad baxa u dhigi lahayni waxay ahayd inaan muujinno dareenkeena ku aaddan doorashada, kaas oo ah in doorashada la filayaa ay tahay mid aan xalaal ahayn oo la doonayo in lagu kala qaybiyo dadka walaalaha ah ee reer Puntland.." Guddoomiye ku xigeenka ururka MIDNIMO Dr. Shiine ayaa yiri.

Waa markii labaad muddo todobaad gudeheed ah oo Golaha Samata Bixinta Puntland - oo mucaarad ku ah xukuumadda Madaxweyne Faroole- ay sheegaan in laga horjoogsadey dibad bax nabadeed oo ay doonayeen in ay ka dhigaan magaalada Boosaaso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya