3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay Kismaayo oo la geeyay Maanta Magaalada Gaalkacyo

Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo - dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay- ayaa maanta lasoo gaarsiiyey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Dadkan oo ay tiradoodu tahay 25-qof, islamarkaana ay ku jiraan qaar badan oo kamid ah mileeshiyaadkii dagaalamay, waxaa garoonka C/laahi Yuusuf ee Gaalkacayo keentay diyaarad gaar ah, halkaasoo ay kusoo dhoweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo dadweyne kala oo badan.

Madaxda xilligii dadkan dhaawaca ah lasoo dejinayey garoonka ku sugneydna waxaa kamid ahaa: wasiirka haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan, Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) iyo duqa degmada Gaalkacayo Col. Axmed Cali Salaad.

Dadka dhaawaca ah ee maanta magaalada Gaalkacyao lasoo gaarsiiyey oo 5 kamid  ah xaaladoodu ay halis tahay, waaxaa intooda badan la geeyey isbitaalka guud ee gobolka Mudug, iyadoo kuwa qaba dhaawacyada halista ahna loo gudbiyey dhinaca isbitaalka gaarka ah ee GMC.

Duqa Gaalkacayo Col. Salaad  oo shir saxaafadeed xafiiskiisa war-fidiyeenka ugu qabtay ayaa sheegay in dadaal badan loo gelayo sidii dadkaas xaaladooda caafimaad loola tacaali lahaa, wuxuuna bulshada ku dhaqan Gaalkacayo iyo guud ahaan gobolka Mudugba ugu baaqay in ay arintaas gacan ka geystaan.

Horay waxaa sidan oo kale magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo xarunta dalka Kenya ee Nairobi loo gaarsiiyey qaar kamid ah dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen dagaallada kasoo cusboonay xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
7/2/2013 2:37 PM EST
Soomaali lagu qiyaasay kumanaan kun ayaa habaynkii xalay ahaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla xaafada Islii ee Soomaalida ay ka daggantahay magaalada Nairobi.

7/2/2013 12:01 PM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xaaladda Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuu ku jiro gacanta dowladda Soomaaliya uuna caafimaad qabo, isagoo wax aan jirin ku tilmaamay wararka sheegaya in lagu wareejiyay dad ajnabi ah.

7/2/2013 11:02 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Ururka hormarinta midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo kashanaya qaar ka mid ah guddiyada xaafaddaha magaalada Baladweyne ayaa bilaaway dib u dayactir lagu sameynayo jidadka muhiim u ah isku xirka magaalada iyo deegaannada ku dhaw dhaw oo ay dhibaato ku qabeen gadiidleyda iyo dadka kale ee isticmaala.

7/2/2013 10:15 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaa maanta kulan ku yeeshay wefdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya (DDSI) oo shalay Garoowe soo gaarey iyo mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland.

7/2/2013 8:43 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga danjirenimo kala guddoomay danjiraha cusub ee Britain ay u soo magacowday Soomaaliya, Neil Wigan.

7/2/2013 4:12 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Ururka dhallinyarada SYAO ayaa Muqdisho kula qabtay kulan lagu taageerayay sidii dhallinyarada Somaliland kasoo jeeda ee Muqdisho ku sugan ay fursado shaqo uga heli lahaayeen hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa gaarka ah, iyadoo kulankan lagu soo beegay shalay oo ahayd maalintii xoriyadda Soomaaliya.

7/2/2013 4:02 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/samad Cali Shire ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay kasoo horjeeddo maamulka Jubbaland iyo joogitaanka ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

7/2/2013 4:01 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kulan ka duwan kuwii hore oo soconaya muddo bil ah, kaddib markii uu dhawaan sidaas ka codsaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

7/2/2013 3:59 AM EST
Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Duqa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Cabdiqaadir Jaamac Saalax ayaa shir lagu qabtay xafiiska ay leeyihiin barakacayaasha gobolka Sool ayaa ugu baaqay dhamaan hay’adaha samafalka ee ka hawlgala magaalada inay qayb ka qaataan caawinta dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaaladaas iyo qaybaha kale ee gobolka.