4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 2 , 2013
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo eedeyay Dowlada Soomaaliya isagoo difaacay Joogitaanka Ciidamada Kenya

Talaado, July 02, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/samad Cali Shire ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay kasoo horjeeddo maamulka Jubbaland iyo joogitaanka ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

C/samad Cali Shire wuxuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay qayb ka qaadatay dagaalladii ka dhacay Kismaayo, ayna faragelin qaawan ku hayso maamulka Jubbaland ee uu madaxda ka yahay Sheekh Axmed Madoobe, sidoo kalena ay cambaareynayso ciidamada Kenya, markii laga adkaaday xoogaggii kasoo horjeeday maamulka Jubbaland sida Col. Barre Hiiraale iyo xubno kale oo uu ku sheegay Al-shabaab.

"Dowladda waxay faragelin ku haysaa maamulka Jubbaland, dhawaan waxay dhaleeceysay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM, waayo waxay dowladdu dhaleeceynta billowday markii laga adkaaday raggii kasoo horjeeday Jubbaland ee magaalada ka dagaalamay, taasna ma ahan mid la aqbali karo,” ayuu yiri madaxweyne xigeenka Puntland.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay ka mid yihiin AMISOM, eedeynta dowladdu ay u jeedisayna ay tahay mid aan la ogolaan karin, maadaama ay howlahooda si caadi ah u wataan.

"Waan taageeraynaa joogitaanka ciidamada Puntland ee Jubbooyinka waayo waxay ka mid yihiin AMISOM, ma ahan in la kala sooco ciidamada Midowga Afrika ka socda, kuwa Xamar joogana in lasoo dhaweeyo kuwa Jubbooyinka joogana la dhaliilo waa arrin aanan fahmi karin,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu sheegay in maamulkiisu uu si cad u taageersan yahay maamulka Jubbaland ee uu hoggaaminayo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayna soo dhaweynayaan joogitaanka ciidamada Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland, iyadoo dowladdu ay horay u sheegtay in maamulka Jubbaland ee Kismaayo looga dhawaaqay uu yahay mid aan waafaqsanayn shuruucda kala duwan ee dalka u taalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya