3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
Kulan afur ah oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin caan ah oo isugu jira Soomaali iyo Kenyaan oo ka dhacay Nairobi (SAWIRRO)
M1480006.jpg
Isniin, July 15, 2013 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Nairobi ka dhacay kulan ballaaran oo isugu yimaadeen siyaasiyiin caan ah oo ku jira siyaasada wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaana kulan kasoo qaybgalay Ra'iisul wasaarayaal hore: Cali Khaliif Gallayr, Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Musharraxiin Madaxtinnimo: Dr. Maxamed C/laahi Baadiyow, Yuusuf Garaad Cumar, Sheekh Maxamed Yaasiin, madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) iyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Gaandi, Xildhibaano Keenyaan ah: Diiriye Cabdullahi Maxame, Maxamed Shidiye iyo Ilyaas barre Shiil.

Waxaana kulankan oo markii hore la filayay in lagu weeraro dawlada federaalka ah ee Soomaaliya intiisii badnayd looga hadlay taageerada geedi socodka nabadda Soomaaliya.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in ujeedka kulankan uu yahay inaan dhiig dambe uusan ku daadan Soomaaliya, isagoo walaac ka muujiyay rabshadaha kasoo cusboonaaday Puntland iyo dagaallada asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacay Kismaayo oo uu sheegay inay nasiib darro ahaayeen.

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Gaandi oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay qorshihii uu ku bilowday maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka oo uu sheegay in dawladii hore ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed inay qorshahaasi si bilowday.

M1480025.jpg

"Waxaan sugaynay in dawlada dhalataa ay meesha kasii wado heshiisyadii ay galeen dawladihi hore, dawladii hore ee Soomaaliya ayaa Kenya ka codsatay inay ka taageerto maamul u samaynta gobollada haatan laga sameeyay Jubbaland" ayuu yiri Gaandi.

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo dhalleeceeyay xildhibaanada dalbanaya inay Kenya isaga baxdo dhulkooda ayaa sheeegay inaysan Kenya ku jirin wax damac ah oo ay ku doonayso dhul Soomaaliyeed.

"Annaga ayaaban ogolayn in taako kamid ah dhulka Soomaaliya ay Kenya hunguriyayso, war waxaan idin leenahay inta aad dhisanaysaan ciidamo adag ammaankiina iyo ammaankeena waa isku xiranyahay, waana ku khasbanahay inaan idin taageerno" ayuu yiri Shiil.

Madaxweynaha Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) oo goobtaas khudbad ka jeediyay ayaa sharraxay qadiyadooda isagoo sheegay inay isu taageen midnimada Soomaaliyeed balse aysan jirin wax taageero ah oo ay kaga heleen Soomaalida halganka ay ugu jiraan inaan Soomaaliya lakala karin.

Xildhibaan Maxamed Shidiye oo isna ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in Soomaalida ay isu taagaan adkaynta midninadooda iyo ammaanka dalkooda.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in qabiilka Soomaalida ee la isku haysto inaysan caddaynba in la wada dhashay.

"Qabiil baa la sheegayaa, yaa DNA u kala qaaday, war hoy meesha wax la isku dilaa ma yaalliin, ee Soomaalidu danahooda ha qabsadeen" ayuu yiri Galayr.

Dhammaan kasoo qaybgalayaashii kulankan ayaa diray farriimo nabadeed iyagoo sidoo kalana taageero u muujiyay geedi socodka nabadda Soomaaliya.

M1480009.jpg
M1480005.jpg
M1480023.jpg
M1480013.jpg
M1480027.jpg
M1480034.jpg
M1480082.jpg
M1480067.jpg
M1480016.jpg
M1480040.jpg
M1480043.jpg
M1480083.jpg
M1480050.jpg
M1480078.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here

7/15/2013 10:52 AM EST
Isniin, July 15, 2013 (HOL) —Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inuu xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii diyaaradaha Qaramada midoobay ee si ku meelgaadh ah uga joojiyey madaaradda Somaliland.

7/15/2013 8:09 AM EST
Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa iska fogeeyay eedeyn ay guddiga la socodka Soomaaliya iyo Eritrea maalin ka hor soo saareen, taasoo ay ku sheegeen in ciidamada Kenya ay gacan ku siiyaan maamulka Axmed Madoobe dhoofinta dhuxusha.

7/15/2013 7:47 AM EST
Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday hindise-sharciyeedka Gar-doon oo ay soo gudbisay wasaarada cadaalad, owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay inta badan mudanayaashu u codeeyeen diidmada sharcigan.

7/15/2013 7:27 AM EST
Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay casuumad ugu sameeyey culimadda Somaliland xarunta madaxtooyada.

7/15/2013 3:58 AM EST
Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Laba qarax oo waaweyn ayaa saakay aroortii hore ka dhacay jidka soddonka oo isku xira degmooyin ka tirsan Muqdisho, iyadoo la sheegay in qaraxayadaas oo miino ahaa lagu burburiyay qaar ka mid ah baallayaasha korontada ku shaqeeya ee ku yaalla jidkaas.

7/15/2013 3:38 AM EST
Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu soo gabgabeeyay shalay oo Axad ahayd shir looga hadlayay dhaqaalaha iyo maal-gashiga Soomaaliya, kaasoo socday laba maalmood, waxaana shirkaas ka qaybgalay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah.

7/15/2013 2:55 AM EST
Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Dalka Kenya waxaa ku sugan hal milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo intooda badan ay ku nool yihiin xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.