4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2013
Shirkad Shidaal ka Baaraysay Deegaanno Hoosyimaada Magaalada Gaarisa oo ku Hanjabtay inay shaqada Joojinayso

Sabti, July 13, 2013 (HOL) - Shirkad dhawaanahaanba hawlo shidaal baaris ah ka waday deegaanka Modogashe oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ayaa ku hanjabtay inay gabi ahaanba shaqada joojin doonto.

Vanoil Energy Company oo laga leeyahay dalka Canada ayaa ka cabanaysa qaar kamid ah dadka deegaanka oo kasoo horjeestay hawlaha ay shirkadu ka wado goobahaas.

Waxayna sheegtay in hadii ay sii socdaan muranka u dhexeeya shaqaalaha shirkadda iyo dadka deegaanka oo ka cabanaya inay waxyeelo kasoo gaadho deegaanka hawlaha ay shirkadu wado inay sababi karto joojinta dhammaan hawlaha baaritaannada ah ee socda.

Guddoomiyaha Countiga Gaarisa Nadiif Jaamac ayaa ka dalbaday dadka deegaanka Modogashe inay joojiyaan is hortaagga shirkada si ay shaqadeeda u wadato.

Shirkada shidaalka ee Vanoil ayaa qorshaynaysa inay ka qodo Modogashe labo ceel  oo lagu ogaanayo in halkaas uu ku jiro shidaal taasoo ay ku kacayso lacag dhan 2.2 million oo shilinka Kenya ah.

Waa markii ugu horreysay oo laga bilaabo baaritaano dhanka shidaalka ah deegaanada hoos yimaada gobolka waqooyi bari ee Soomaalida kadib markii shidaal laga helay Lokichar oo ka tirsan deegaanka Turkana ee waddanka Kenya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya