3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Barclays Bank oo Xiray Inta Badan Xisaabaadkii Xawaaladaha Soomaalida iyo Xildhibaanno baaq u diray Xukuumadda UK


Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Barclays Bank oo ah bankiga ugu weyn UK oo lacagaha kaashka ah u kala gudbin jiray xawaaladaha Soomaalida ayaa ku dhawaaqay inuu xiray 100 sanaadiiq xisaabaad ah oo ay ku laahayeen xawaaladaha Soomaaliya, inkastoo tiro yar oo xawaalado ah uu u oglaaday inay weli isticmaalaan bangiga.

Xawaaladaha weli furasaha sii haysta waxaa ka mid ah xawaaladda Dahab-shiil, iyadoo mas’uulka ugu sarreeya shirkaddan uu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay howshooda u sii wadan lahaayeen, haddii uu bangigu go’aan ku gaaro inuu ka xirana ay bangiyo kale ku wareegi doonaan.

Sababaha keentay in xisaabaadka xawaaladaha la xiro ayuu Barclays Bank ku sheegay in xawaaladaha Soomaalidu aysan intooda badan lahayn xisaab celinta uuna baqdin ka qabo in lacagaha la diro qaarkood ay ku dhacaaan gacmo aan sharci ahayn.

“Waxaan wadahadallo kula jirnaa bankiyo kale oo ku yaalla Britain, runtiina waxaan sidoo kale wadahadal kula jirnaa bangiga Barclays oo muddo dheer aan isticmaalaynay, waxaana Alle mahaddii ah inaanay Dahab-shiil ku jirin xawaaladaha xisaabaadkooda la xiray,” ayuu yiri C/rashiid Maxamed Ducaale oo ah madaxa shirkadda Dahab-shiil oo London ku sugan.

Go’aanka Barclays uu ku xiray xawaaladaha Soomaalida ayaa wuxuu sare u qaaday walaaca dadka Soomaalida ah ay ka qabaan inay ka go’aan dhaqaale ay ehelladooda ku nool dalka Britain ka heli jireen, iyadoo sidoo kale walaac kaas la mid ah ay qabaan hay’adaha samafalka.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay in 40% dadka Soomaaliyeed ay nolol ahaan ku tiirsan yihiin dhaqaalaha ay ka helaan ehelladooda ku nool dalka dibaddiisa, tanina ay noqon karto caqabad weyn oo dadkaas oo food-saarta.

“Inta badan xawaaladaha lacagaha kala gudbiyo ee Soomaaliya ma lahan wax raad-raac ah oo ku saabsan halka ay lacagta rasmi ahaan ugu diraan, tani waxay keentay in baqdin laga qaado in lacagaha qaarkood ay gacanta u galaan kooxaha argagaxisada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu bangigu soo saaray bishii hore.

OXFAM oo ka mid ah ha’yadaha samfalka ee dalka Britain ayaa sheegtay in go’aanka bangiga uu qaatay ay a wanaagsanaan lahayd in baaritaanno lagu sameeyo goobaha ay xawaaladuhu lacagaha u diraan, isagoo sheegay in tani ay caqabad ballaaran ku keenayso dadkii dhaqaalaha ka heli jiray Britain.

Dhanka kale, xildhibaanno ka tisran baarlamaanka Britain oo kasoo jeeda xisbiga shaqaalaha ee dalkaas baaq u diray xukuumadda Britain iyagoo ka digay in tallaabada Barclays bank uu qaatay ay dhibaato ku keeni karto dadka ku nool dalalka soo koraya oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Xildhibaanadan oo tiradoodu gaarayso 15 xubnood ayaa waxay dadaal ugu jiraan inay kordhiyaan tiradooda, si ay xukuumadda dalkaas cadaadis ugu saaraan inay keeno qorshe kale oo aanay ku joogsan xawaaladaha lacagaha loogu diro dadka ku nool Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/11/2013 2:57 PM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxa hay’adda UNHCR oo qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay in qaxootiga Soomaaliyeed la celiyo iyadoo aan la raacin sharciayada caalamiga ah ee u dagsan qaxootiga iyo habka loola dhaqmo.

7/11/2013 2:31 PM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada oo todobaadyadii aynu soo dhaafnayba siweyn ugu howlanaa dib u habeynta ciidamada iyo sugida amniga ayaa saldhigyo dheeraad ah oo ay ka howlgali doonaan ciidamada booliiska ka hergaliyay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne.

7/11/2013 10:26 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku meel-mariyeen sharciga ay ku dhaqmayso warbaahinta dalka (Media Law).

7/11/2013 9:43 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah.

7/11/2013 8:41 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafdi ururka Midowga Yurub ka socday oo ay horkacayeen, Erik Solheim oo ahaa wasiirkii horumarinta & iskaashiga caalimga ah ee Norway, haddana ah madaxa arrimaha shirka 16-ka September 2013 lagu qabanayo magaalada Brussels iyo safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya, Michelle Cervone.

7/11/2013 7:43 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Maxkamadda degmada Gabiley, ayaa xukun ku riday 15 qof oo ku eedeysnaa ka ganacsiga Tahriibinta dadka. kiiskan oo muddo laba bilood ah dacwadooddu ka socotay maxkamadda Gabiley, ayaa 15 qof oo afar ka mid ahi iyagoo maqan la xukumay, halka 11 kii kalana xukuno kala duwan lagu riday.

7/11/2013 6:05 AM EST
Khamiis, July 11, 2013(HOL) :- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay dowladda Soomaaliya ay mushaaraad u qeybineysay ciidamada dowladda ee ku sugan qeybo ka tirsan gobollada dalka ayaa waxaa maanta lacagahoodii mushaaraadka la gudoonsiiyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.

7/11/2013 3:51 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo ku sugan magaalada London ayaa la kulmay xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee boqortooyada Britain, guddoomiyaha Inter-Parliamentry Union iyo xubno kale.

7/11/2013 2:55 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Xukuumadda Sierra Leone oo ka mid ah dalalka ay ciidamada kaga sugan yihiin Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay bedeshay taliyihii ciidamadan ka tirsan howlagalka Midowga Afrika ee AMISOM.

7/11/2013 2:40 AM EST
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Siyaasiyiiin reer Somaliland ah oo maanta ku dhawaaqay gole oo la magac baxay golaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, kaas oo ka shaqayn doono inuu xukuumadda ku haggo wadadda toosan.