Madaxweynaha Somaliland, Ax'ed Siilaanyo oo isku Shaandheeyay Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Wasaaradaha
Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ah.
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1890/072013 isgaoo xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey agaasimeyeesha guud ee wasaaradaha jamhuuriyada Somaliland iyo maareeyeyaasha hay’adaha madaxa-bannaan qaar ka mid ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed xalay xilli dambe kasoo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxiixanaa Axmed Saleebaan Dhuxul oo ah afhayeenka madaxtooyada Somaliland.
No |
Magaca |
Wasaaradda |
1 |
Maxamed Xasan Siciid |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah |
2 |
Maxamed Sh. Cumar Xasan |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah |
3 |
Faysal Cali Sheekh |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta |
4 |
Dr. Cismaan Xuseen Warsame |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka |
5 |
Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh) |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada |
6 |
Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha |
7 |
Maxamed Cali Aaden |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda |
8 |
Abiib Axmed Cali |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka |
9 |
Cabdirisaaq Jaamac Nuur |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha |
10 |
Maxamed Xuseen Axmed |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska |
11 |
Xasan Cumar Hoori |
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga |
12 |
Maxamed Jibriil Aaden |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta |
13 |
Mukhtaar Maxamed Cali |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka |
14 |
Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) |
Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control) |
15 |
Cabdi Cali Jaamac |
Xog-hayaha Guud ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC) |
16 |
Eng. Ismaaciil Cabdilaahi Cabdi |
Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa |
17 |
Fahmi Cabdi Bidaar |
Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga (NERAD) |
18 |
Qaasim Xasan Mataan |
Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka |
Wuxuu go’aansaday In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahadaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Maareeyayaasha Hay’adaha madax-banaan sidan hoos ku xusan.
Masuuliyiinta la isku bedelay ama meelo kale loo bedelay Beddel
No. |
Magaca Agaasimaha |
Agaasimaha Cusub |
Agaasimihii Hore |
1. |
Maxamed Xasan Siciid |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah |
Agaasimihii Guud ee Hore ee Hay’adda Maamul Wanaaga |
2. |
Faysal Cali Sheekh |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta |
Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah |
3. |
Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh) |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada |
Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka |
4. |
Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) |
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha |
Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Caafimaadka |
5. |
Xasan Cumar Hoori |
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga |
Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta |
6. |
Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) |
Gudoomiyaha Guddida Ilaalinta Tayada (Quality Control) |
Agaasimaha Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta |
7. |
Siciid Saleebaan Mire |
Xil Suge |
Gudoomiyaha Guddida hore ee Ilaalinta Tayada (Quality Control) |
Masuuliinta Xilalka laga nasiyey
SNo. |
Magaca |
Xilka |
1. |
Maxamed Daahir Khayre |
Xog-hayihii Guud ee Hore ee Guddida La-dagaalanka Aids-ka (SOLNAC) |
2. |
Cabdi Ibraahin Cabdilaahi |
Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa |
3. |
Mustafe Maxamed Qodax |
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska |
4. |
Xuseen Xaaji Axmed Yuusuf |
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka |
5. |
Salaan Cabdi Cige |
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah |
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland