4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu Hoggaaminayay Erik Solheim (SAWIRRO)


Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafdi ururka Midowga Yurub ka socday oo ay horkacayeen, Erik Solheim oo ahaa wasiirkii horumarinta & iskaashiga caalimga ah ee Norway, haddana ah madaxa arrimaha shirka 16-ka September 2013 lagu qabanayo magaalada Brussels iyo safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya, Michelle Cervone.

Madaxweynaha Soomaaliya aaya waxaa ku wehliyay kulankan xubno ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda iyo wasiir-u-dowlaha xafiiska madaxweynaha iyo la-taliyeyaasha gaarka ah ee madaxweynaha.

Erik Solheim ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Somalia qaabilaaddiisa, warbixinna ka siiyay shirka 16-ka September  ka dhacaya Brussels isagoo u sheegay in Midowga Yurub ay ka go’antahay sidii shirkaas uu u noqon lahaa mid miro dhal ah, isla markaana ay Soomaaliya la imaan doono COMPACT ku qeexan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa iyo sida ay dowladdu mudnaanta u kala siinayso howlaha ay rabto inay qabato.

Sidoo kale, Solheim ayaa sheegey inay muhiim tahay in dowladda Somalia la dhageysto bacdamaa Midowga Yurub uu rabo in Soomaalida waxa ay rabaan la fuliyo. Iyadoo madaxweynuhuna uu Erik uga mahadceliyey booqashadiisa iyo sida ay Midowga Yurub ay uga go’an tahay inay hormuud ka noqoto dib u dhiska dalka Soomaaliya.

“Dowladdu waxay u xil-saartay guddi ka shaqeeya arrimaha New Deal oo ku saabsan shirka 16-ka September, si shirkaas uu u noqdo mid guuleysta oo ay kasoo baxaan wax dan u ah shacabka Soomaaliya. Sidoo kale waxaan wadnaa wadatashiyo aan la sameyneyno dhammaan bulshada Soomaaliyeed si uu u noqdo qorshaha la sameynayo mid ka yimid shacabka,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay inay guddiyo ay u diri doonaan magaalooyinka, Baydhabo, Hargeysa, Baladweyne iyo Garoowe, si ay u soo ururiyaan baahiyaha ay dadku qabaan, loona horgeeyo shirka 16-ka bisha September ka dhacaya xarunta dalka Belgium.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa Midowga Yurub ka codsaday in shirkan uu ka duwanaado kuwii hore, Soomaaliya iyo Midowga Yurubna ay kawada shaqeeyaan dabalgalna ku sameeyaan sidii ballanqaadyada loo fulin lahaa oo dhammaan mashaariicda la ballan-qaado ay u hirgeli lahaayeen. Madaxweynaha ayaa sheegey in dowladdu ay diyaarsay nidaamkii maamulka maaliyadda oo kalsooni siin kara dalalka deeqaha baxsha.

Kulanka kaddib waxaa shir jaraa’id wadajir u qabtay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michelle Cervone iyo afhayeenka madaxweynaha Somalia, Inj. Yariisow iyagoo sheegay in shirka 16-ka September ka dhacaya Brussels ay shir-guddoomin doonaan madaxweynaha Somalia iyo Catherine Ashton.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya