4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Xildhibaanno ka kala tirsan baarlamaanka Somalia iyo baarlamaanka Britain oo ku kulmay Magaalada London (SAWIRRO)


Khamiis, July 11, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo ku sugan magaalada London ayaa la kulmay xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee boqortooyada Britain, guddoomiyaha Inter-Parliamentry Union iyo xubno kale.

Ugu horreyn wafdiga uu hoggaaminayo xildhibaan Cawad ayaa lagu marti-qaaday inay goobjoog ka ahaadaan kulan uu baarlamaanka Britain su'aallo ku weeydiinayay ra'iisul wasaaraha dalkaas, David Cameroon oo ka dhacay aqalka baarlamaanka boqortooyada Ingiriiska.

Kulankaasi kaddib waxaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdigiisa ay kulammo gaar ah la qaateen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee boqortooyada Ingiriiska, kuwaasoo ay kawada hadleen xiriirka iyo wada-shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ingiriiska, iyadoo wada-shaqeyntaasna ay billow u tahay kulammadan hadda ka dhacay London; waxaana kulammadaasi ay kusoo gabag-aboobeen is afgarad.

Wafdiga ka socda baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ka kooban yihiin xubnaha guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka iyo kuwo kale oo ka tirsan baarlamaanka, waxaana safarkan uu qayb ka yahay safarro ay ku marayaan dalalka Yurub qaarkood.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa waxaa lau wadaa in caawa ay kulammo la yeeshaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ku nool iyagoo u sharraxi doona isbedellada dalka ka dhacay iyo kaalinta looga baahan yahay.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya