4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2013
Wakiillada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed inay ku Soomaan Farxad iyo Nabad

Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadiif iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Ramadaan wanaagsan iyo inay bishan ku dhameystaan cibaadadooda nabadgalyo iyo xasillooni.

Warsaxaafadeedyo ay mas’uuliyiintan soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in bisha Ramadaan ay tahay bil cibaado ah oo looga baahan yahay dhamaan dadka muslimka ah oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliyeed, ayna u rajeynayaan guul iyo cibaado wanaagsan.

“Bishan barakeysan ee Ramadaan waa calaamadda bani’aadamnimada iyo naxariista iyo weliba arrimo kale oo fara badan, waxaana mid muslimiinta oo dhan ay ku mideysan yihiin,” ayuu yiri Anaadiif oo intaas ku daray. “Waxaan ugu baaqayaa kuwa dhaqaalaha haysta inay caawiyaan kuwa kale ee aan u lahayd awoodda inay helaan wixii ay ku afuri lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxa xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, Kay ayaa isaguna warsaxaafaded uu soo saaray ku sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed u rajeynayo inay bishan ku soomaan farxad iyo ammaan.

“Bishani waa bishii la cibaadeysan jiray waana waqti ku habboon in laga fakaro arrimaha faraha badan ee la doonayo in la qabto si loo adkeeyo guulihii la gaarey dhawaan,”  ayuu Nikolas Kay ku yiri warbixintiisa isagoo intaas ku daray in loo baahan yahay in lasii wado habka ay ku gaarayso Soomaaliya guulo la taaban karo si ay mar walba u hanato niyad wanaagga iyo taageerada uga imanaysa bulshada caalamka.

Ergeygu wuxuu ku baaqey in laga waantoobo ficillada Soomaaliya dib u dhac u keeni kara kana ho-istaagaya inay hesho heerkii ay ka mudnayd dunida si ay shacabka Soomaaliyeed nabad ugu noolaadaan.

“Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed u rajeynayaa Soon ay nabad iyo farxadi ku dheehan tahay,” ayuu yiri ergaygu hadalkiisa kusoo afjaray, iyadoo hadlalada kasoo baxay mas’uuliyiintan ay imaanayaan iyadoo ay ku began tahay maanta maalintii koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya