3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2013
Wadahadalladii Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland uga socday Turkiga oo lasoo gabgabeeyay iyo Qodobbo laga soo saaray

Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa xalay lasoo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray qodobbo dhowr oo labadii guddi ay isku afgarteen, inkastoo ay jiraan qodobbo la isku fahmi waayay oo dib loo dhigay ka hadalkooda.

Qodobbada la isku afgartay oo ahaa saddex qodob ayaa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo guddi ka kooban labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay maamulaan hawada Soomaaliya, kuwaasoo saldhig ka dhigan doona magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, guddiga labada dhinac waxay isku afgarteen in wadahadallada lasii wado lagana ilaaliyo wax walba oo caqabad ku keeni kara iyo in 120 maalmood gudahood ay isugu yimaadaan shir kale.

“Heshiis ayaan gaarnay innaga iyo guddigii Somaliland ka socday, qodobbo dhowr ah ayaana ku hehsiinnay, kuwa kale oo aan la isku afgaranna waxaa loo dhigay shirarka dambe in laga hadlo. Waxaana isla garanay inaan dib ugu laabanno wadatashiyo mar kalena la isku yimaado,“ ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo warbahainta la hadlay kulanka kaddib.

Wasiirka ganacsiga Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar oo isna saxaafada la hadlay aya sheegay inay labada dhinac isku afgarteen qodobbadii laga hadlay qaarkood sida maamulka hawada Soomaaliya, waxaana isla garanay in lasii wado wadahadalada qodobbada aan la isku afgaranna shirarka kale looga hadlo.

“Labada geesood walaalnimo ayaa ka muuqatay intii wadahadalladu socdeen iyo inay diyaar u yihiin in wadahadalladu sii socodaan, qodobbadii maanta la isla garan waayayna wadatashiyo kaddib looga hadlo shirarka soo socda,” ayuu yiri wasiirka ganacsiga Somaliland.

Qodobbada la isku mari waayay ayaa waxaa ka mid ah in shirarka labada dhinac ee dibadda lagu qabanayo in loo wareejiyo gudaha dalka sida in lagu qabto Muqdisho ama Hargeysa iyo qodob kale oo ku saabsanaa midnimada Soomaaliya.

Wadahadalladan oo ahaa wajigii labaad oo dhinaca Somalia iyo Somaliland ay ku yeeshaan dalka Turkiga ayaa waxay qayb ka ahaayeen qorshayaal lagu doonayo in dhinacyadan ay uga hadlaan ayaaha mustaqbalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/10/2013 4:01 PM EST
Arbaco, July 10, 2013(HOL)—Dowladda Soomaaliya ayaa ammaan ku muteysatay mowqifkeeda ku aaddan difaacidda xuquuqda aadanaha, waxayna ammaantaas ku heshay in ay miiska soo saartay qaraar lagu difaacayo Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee la takooro ee loo yaqaano Albinism.

7/10/2013 9:42 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadiif iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Ramadaan wanaagsan iyo inay bishan ku dhameystaan cibaadadooda nabadgalyo iyo xasillooni.

7/10/2013 9:13 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Danjirihii Somalia ee dalka Koonfur Afrika, Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa maanta oo Arbaco ah ku geeriyooday xarunta dlaka Koonfur Afrika ee Pretoria, iyadoo aan la sheegin sababta keentay geeridiisa.

7/10/2013 4:20 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay kormeer kadis ah ku maray qaar ka mid ah Hay’adaha dawladda, kaas oo aan hore loogu sii sheegin imaanshiiyihiisa madaxweynaha.

7/10/2013 3:14 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Bay ayaa billaabay maanta inay isaga baxaan, iyadoo la arkayo inay ka baxayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen.

7/10/2013 3:05 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Madaxda Soomaalida ayaa shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bisha barakceysan ee Ramadaan iyagoo ka codsaday inay Alle ka baryaan in dalkooda uu noqdo mid deggenaasho taam ah hela.

7/10/2013 2:40 AM EST
Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo kulan la qaatay culummada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday inay ka qaybqaataan sidii shacabku ay uga qayb-qaadan lahaayeen sugidda ammaanka.