3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Shirar lagu doonayo in lagu soo Doorto Maamulka Gobolka Bay oo ka Socda Magaalada Baydhabo iyo Murashaxiin ku sugan


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Iyadoo xilliga maamulka gobolka Bay oo lix bilood ahayd uu sii dhammaanyo ayaa waxaa magaalada Baydhabo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday kulammo lagu doonayo in la soo doorto maamulka bedeli doona maamulka xilligiisu sii dhammaanayo.

Maamulka gobolka Bay ayaa waxaa horay u magacowday dowladda Somalia iyadoo xilligiisa uu ku eg-yahay 04-ta bishan Luuliyo, iyadoo maamulkan ay ku eedeynayaan in maamulka uu canshuuro badan ka qaado deegaannada uu kaga sugan yahay gobolka, balse aysan jirin wax uu qabtay.

Guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosow ayaa haatan Muqdisho ku sugan, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan inuu dowladda ka codsaday in waqti loogu daro xilliga uu maamulkiisu sii shaqeynayo.

Odayaasha dhaqanka ee gobalka Bay iyo waxgaradka kale ayaa horay uga diiday maamulka hadda jira in xilli dheeraad ah loogu daro lixda bilood ee uu shaqeynayo, iyadoo haddii xilli loogu daro aan la ogeyn sida ay odayaashu u aqbali karaan.

Shirar kala duwan oo waxgaradka gobolka ay yeelanayaan ayaa maalmahan ka socday Baydhabo, iyadoo sidoo kale ay mas’uuliyiin badan oo dibadda ka yimid qaarkood ay loolan adag ugu jiraan sidii loogu dooran lahaa maamulka maadaama ay odayaashu sheegeen inay si cadaalad ah lagu soo xulayo.

Arrintan la yaabka ku noqotay shacabka ku nool magaalada Baydhabo iyo weliba qaybaha kale ee gobolka ayaa ah in aqoonyahanno tiro badan oo ka yimid dalka dibaddiisa ay kusoo qulqulayaa degmada, kuwaasoo doonaya in loo doorto xilka guddoomiyaha gobolka Bay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ciidammo ka socda dalalka Afrika oo ay ka mid tahay Itoobiya ayaa waxay gacanta ku haysaa inta badan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Bay oo ay ku jirto Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
7/1/2013 4:05 PM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa eedeyn u jeediyay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM, isagoo sheegay inuu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

7/1/2013 3:50 PM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Saddex ka mid ah madaxweynayaashii is-magacaabay ee maamulka Jubbaland ayay maanta ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM waxay kasoo dajiyeen magaalada Muqdisho, sidoo kalena ciidamada Kenya waxay Muqdisho keeneen dhaawacyada in ka badan 60-qof oo ku dhaawacmay dagaalladii Kismaayo ka dhacay.

7/1/2013 12:10 PM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (SiLlaanyo) ayaa Maanta Xadhiga ka jaray Xafiiska Shaqo doonka Dhalinyarada oo ay wasaaradda Qarshaynta Qaranku ay soo abaabushay, kaasi oo laga Furay Wasaarada Caafimaadka Gudeheeda halkaas oo madaxweynuhu uu soo kormeeray Guud ahaan Shaqaalaha iyo Agabka ka ay ku shaqaynaayaan iyo adeegyada ay u qabanayaan Bulshada iyo Dhalinyaradaba.

7/1/2013 11:47 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Xaflad ay soo qaban-qabiyeen ururka KAJOOG oo ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

7/1/2013 11:33 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 01-da Luuliyo oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho ayaa amaanay horumarka iyo nabadda ay ku taallabsadeen maamullada Somaliland iyo Puntland, isagoo sheegay in loo baahan yahay in looga daydo.

7/1/2013 11:11 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay isagoo ku sugan Nairobi in ciidamadooda qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee ku sugan Kismaayo ay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo.

7/1/2013 10:49 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana lagu mamuusayay 53 sano guuradii ka soo wareegatay waqtigii ay ka xorroobeen gobollada Koonfureed ee Soomaaliya gumeystihii Talyaaniga iyo Is raaciin labada gobol W/qooyi iyo Koonfur ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

7/1/2013 9:08 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Egayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, dajire Maxamed Saalax Aanaadiif ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xorriyadda Soomaaliya ee 01-da Luuliyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dowaldda.

7/1/2013 8:55 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Dibadbax ay ka qaybgaleyeen dadweyne isugu jira haween, caruur iyo dhallinyaro loogana soo horjeedo xariga Sheekh Xasan Daahir iyo xubno la socday oo dowladda Soomaaliya u xiran ayaa maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

7/1/2013 7:40 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama oo safar shaqo ku maraya dalal ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa u soo diiray shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo oo ah maalintii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystihii Talyaaniga.

7/1/2013 6:40 AM EST
Isniin, July 01, 2013(HOL) :- Waxaa dagan xaaladda magaalada Kismaayo kadib mudo afar maalmood ah oo ay ka jireen xiisado dagaal, waxaana jawiga magaalada uu maanta yahay mid xasiloon iyadoona sidoo kale ay dib usoo noqdeen dhaqdhaqaaqyadii bulshada.

7/1/2013 4:46 AM EST
Isniin, July 1, 2013 (HOL) - Shir ay kasoo qaybgaleen dhammaan shirikadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed, wafdi ka socda dowladda Soomaaliyeed iyo xubno ka socda hay’adda Isgaarsiinta adduunka ee ITU iyo GSM ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey xaruunta isgaarsiinta ee dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta.

7/1/2013 2:34 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Munaasabad ay ka qaybgaleen madaxda sare-sare ee dowladda Soomaaliya oo lagu maamuusayay sannad-guuradii 53-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Koonfureed ee Somalia ka xoroobeen gurmeysigii Talyaaniga iyo midowgii labada gobol ayaa waxaa xalay lagu qabtay Muqdisho.