4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay shir Qaran oo lagaga hadlayo shaqo-abuurka dhallinyarada (SAWIRRO)


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (SiLlaanyo) ayaa Maanta Xadhiga ka jaray Xafiiska Shaqo doonka Dhalinyarada oo ay wasaaradda Qarshaynta Qaranku ay soo abaabushay, kaasi oo laga Furay Wasaarada Caafimaadka Gudeheeda halkaas oo madaxweynuhu uu soo kormeeray Guud ahaan Shaqaalaha iyo Agabka ka ay ku shaqaynaayaan  iyo adeegyada ay u qabanayaan Bulshada iyo Dhalinyaradaba.

Madaxweynuhu waxa uu ka qayb galay Xaflada Furitaanka Shir Qaran oo lagaga hadlayo sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyaradda oo socon doonna laba maalmood oo ka socda hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Wasaaradda qorsheynta Qaranka iyo wasaaaradda shaqada iyo arimaha bulshadda ayaa baryahan dambe ku mashquulsana qaabkii dhalinyarda looga joojin lahaa tahriibka ay Da’yartii dalka ka haajirayaan iyagoo doonayna nolol dhaanta nolosha ay ku nool yihiin.

Sidoo kale, waxaa magaalada laga furay carwo shaqo doon ah oo ay ka soo qaybgaleen shirakadaha shaqaale doonka ah iyo dhalinyaro shaqo doon ah, kuwaas oo dhalinyaro farobadani CV-yadoodda dhiganayey shirkadaha, iyadooo  shirkad waliba soo bandhigay inta jago ee ka banaan iyo nooca shaqaddu tahay.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo uu furay carwo loogu dardar gelinaayo shaqo abuurka oo iyana laga furay Hotel Maansoon  taasi oo ay soo abaabuleen  Ganacsatada iyo Wasaarada Qorshaynta Qaranka ayaa madaxweynuhu shirkadaha iyo dhalinayarada shaqo doonka ah uso jeediyey guul iyo inay dalkoodda ka shaqaystaan oo ay halista badan ee tahriibka iska joojiyaan.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ilaa afar kun oo shaqaale la qaatay mudadii ay xukuumadan kulmiye shaqaynaysay, isla markaana ay ku dadaalaysay sidii dhalinyaradu shaqo u heli lahaayeen.

Si kastaba ha ahate, xukuumadda oo guddi qaran u saartay shaqo abuurka dhalinyarada ayaa olole ugu jirta sidiii dhalinyarada shaqo loogu heli lahaa, iyadoo kaashanayaan hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsiga Somaliland, kuwas oo madasha ku soo bandhigay waxay ka shaqeenayaan iyo inta boos ee ka banaan.

Wasaarada qorsheynta ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqday inay abuuraan ganacsi yaryar oo loo maalgalin doono, waxaa hore lacag aad u farobadan loogu deeqay dad tartan ku helay maalgalinta ganacsigooda, haseyeeshee lacagta ku baxday maalgalinta gancsiga ayaan wax badan ka bedelin shaqo la’aanta ka jirto, iyadoo loogu talogalay in dadka ku guulaystay lacagtaasi ay abuuraan shaqooyin cusub oo dhalinyaro farobadani shaqo ka haleen.

Xukumaddan ayaa aad loogu dhaliilaa  tahriibka dhalinyarada, waxaana inta badan ku dhaliilaan siyaasiyinta mucaaradka in aanay xukuumaddu xil iska saarin sidii dhalinyarada shaqo abuur loogu samayn ama laga wacyigelin dhalinyarada, maadama oo xisbiga talada haya ee kulmiye ololihiisa ku daray wakhtigii uu doorashada ku jiray hal hays caan noqotay oo ahayd ha tahriibana UDUB way tagaysaaye, taas oo ilaa imika hortaagan, isla markaana tahriibkii ay xisbigi UDUB ku dhaliili jireen uu kor u kacay.











Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland