3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Munaasabad lagu Mamuusayay Maalinta Xorriyadda ee 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay
islamarkaana lagu mamuusayay 53 sano guuradii ka soo wareegatay waqtigii  ay ka xorroobeen gobollada Koonfureed ee Soomaaliya gumeystihii  Talyaaniga iyo Is raaciin labada gobol W/qooyi iyo Koonfur ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo bilaabatay xalay ayaa ilaa xiliyadii hore ee maanta ka soctay magaalada Baladweyne, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowaladda iyo kuwa Jabuuti,fanaaniin, dhalinta bar-baarta gaashaaman iyo dad-weyne isaga kala yimid xaafaddaha magaalada.

Munaasabada oo aheyd mid siweyn uga duwan marka la eego sida loo soo qaban-qaabiyay kuwii ka horeeyay, ayeey sidoo kale ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti waxaa ay gaado ka cayaar ku soo bandhigeen xerrada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Lanaqyo, taliyaha ciidamada Jabuuti Col Cismaan Dubad, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee xubnaha maamulka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hadlay ayaa siweyn ugu dheeraaday qiimaha maanta oo kale 01-da Luulyo uga fadhiso shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isaga oo sheegay in calanka buluga ah uusan aheyn mid sahal lagu hantay ama ku yimid, laakiin ay jiraan geeyaal badan oo dhiigooda u huray una dhintay sidii loo gaari lahaa xorriyada aynu maanta heysano.

Waxaa uu hanbalyo iyo bogaadin u dirray shacabka guud ahaan ku dhaqan gobolka qeybihii kala duwan, isaga oo ugu hanbalyeeyay xuska munaasabada 01-da Luulyo.

Cabdi Faarax Laqanyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa baaq nabadeed  u dirray dhalinyarrada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Hiiraan madaama ayuu yiri dhalinyarradu xoog aan la dhayalsan karin oo ka tirsan  bulshada.

“Waa wax lagu farxo in dhalinyarro Soomaaliyeed waqti danbe u soo jeedaan sidii ay u xasuusan lahaayeen maalinta xorriyada, iyadoo laga yaabo intooda badan in ay ku garaadsadeen ama ku koreen waqtigii colaada, waxaa u soo jeedinayaa dhalinyarrada in ay ka qeyb-qaataan nabada iyo dib u dhiska dalka,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo.

Taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Cismaan Dubad oo hadllay ayaa sheegay in dhinacooda ay siweyn ugu faraxsan yihiin ka qeyb-galka xuska 01-da Luulyo, maadaama ayuu yiri labada shacab ee Jabuuti iyo Soomaaliya yihiin kuwo walaalo ah oo dhinac kasta ka mideysan.

Col. Cismaan Dubad oo siweyn ugu dheeraaday ka hadalka deegaannada wali gacanta ugu jira Al-shabaab ayaa sheegay in uu soo dhamaaday qorhihii lagu gaarsiin lahaa maamulka guud ahaan qeybaha uu gobolka ka kooban yahay dhawaanna ciidamada bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

“Waxaan rabaa in aan fariin u dirro dhalinyarrada yar yar ee Soomaaliyeed ee wali ku dhagan afkaarta kooxda Al-shabaab, waxaan ugu baaqayaa in ay isaga oo baxaan, waayo hadda waaba ay u dhamaatay oo waa kuwaa is ugaarsanaya, marka waxaan leeyahay dhalinyarrada isaga soo taga kooxdaas aad ka tirsan tihiin kuna soo biira hanaanka nabada si aad mustaqbalkiina u dhisataan,'' ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti Col Cismaan Dubad.

Munasabadda waxaa intii ay soctay ku soo bandhigay cayaaro hido iyo dhaqan ah bar-baarta gaashaaman oo siweyn ugu soo labistay dharka hidaha iyo dhaqanka oo siweyn u soo jiitay ka qeyb-galayaashii munaasabada.

Qaybta hore ee munaasabada waxaa xalay lagu qabtay xarunta maamulka gobolka halkaa saakay waabarigii hore sidoo kale munasabad balaaran lagu qabtay xerrada Lama-galaay ee magaalada Baladweyne.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
7/1/2013 4:05 PM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa eedeyn u jeediyay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM, isagoo sheegay inuu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

7/1/2013 3:50 PM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Saddex ka mid ah madaxweynayaashii is-magacaabay ee maamulka Jubbaland ayay maanta ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM waxay kasoo dajiyeen magaalada Muqdisho, sidoo kalena ciidamada Kenya waxay Muqdisho keeneen dhaawacyada in ka badan 60-qof oo ku dhaawacmay dagaalladii Kismaayo ka dhacay.

7/1/2013 1:26 PM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Iyadoo xilliga maamulka gobolka Bay oo lix bilood ahayd uu sii dhammaanyo ayaa waxaa magaalada Baydhabo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday kulammo lagu doonayo in la soo doorto maamulka bedeli doona maamulka xilligiisu sii dhammaanayo.

7/1/2013 12:10 PM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (SiLlaanyo) ayaa Maanta Xadhiga ka jaray Xafiiska Shaqo doonka Dhalinyarada oo ay wasaaradda Qarshaynta Qaranku ay soo abaabushay, kaasi oo laga Furay Wasaarada Caafimaadka Gudeheeda halkaas oo madaxweynuhu uu soo kormeeray Guud ahaan Shaqaalaha iyo Agabka ka ay ku shaqaynaayaan iyo adeegyada ay u qabanayaan Bulshada iyo Dhalinyaradaba.

7/1/2013 11:47 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Xaflad ay soo qaban-qabiyeen ururka KAJOOG oo ay leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

7/1/2013 11:33 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 01-da Luuliyo oo ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho ayaa amaanay horumarka iyo nabadda ay ku taallabsadeen maamullada Somaliland iyo Puntland, isagoo sheegay in loo baahan yahay in looga daydo.

7/1/2013 11:11 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidamada Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay isagoo ku sugan Nairobi in ciidamadooda qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee ku sugan Kismaayo ay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay Kismaayo.

7/1/2013 9:08 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Egayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, dajire Maxamed Saalax Aanaadiif ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xorriyadda Soomaaliya ee 01-da Luuliyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dowaldda.

7/1/2013 8:55 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Dibadbax ay ka qaybgaleyeen dadweyne isugu jira haween, caruur iyo dhallinyaro loogana soo horjeedo xariga Sheekh Xasan Daahir iyo xubno la socday oo dowladda Soomaaliya u xiran ayaa maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

7/1/2013 7:40 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama oo safar shaqo ku maraya dalal ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa u soo diiray shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda hambalyo ku aaddan 01-da Luuliyo oo ah maalintii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystihii Talyaaniga.

7/1/2013 6:40 AM EST
Isniin, July 01, 2013(HOL) :- Waxaa dagan xaaladda magaalada Kismaayo kadib mudo afar maalmood ah oo ay ka jireen xiisado dagaal, waxaana jawiga magaalada uu maanta yahay mid xasiloon iyadoona sidoo kale ay dib usoo noqdeen dhaqdhaqaaqyadii bulshada.

7/1/2013 4:46 AM EST
Isniin, July 1, 2013 (HOL) - Shir ay kasoo qaybgaleen dhammaan shirikadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed, wafdi ka socda dowladda Soomaaliyeed iyo xubno ka socda hay’adda Isgaarsiinta adduunka ee ITU iyo GSM ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey xaruunta isgaarsiinta ee dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta.

7/1/2013 2:34 AM EST
Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Munaasabad ay ka qaybgaleen madaxda sare-sare ee dowladda Soomaaliya oo lagu maamuusayay sannad-guuradii 53-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Koonfureed ee Somalia ka xoroobeen gurmeysigii Talyaaniga iyo midowgii labada gobol ayaa waxaa xalay lagu qabtay Muqdisho.