4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Xaaladda Degmada Kismaayo oo Maanta daggan iyo isku socodkii shacabka iyo ganacsigii oo dib u soo laabtay (SAWIRRO)



Isniin, July 01, 2013(HOL) :- Waxaa dagan xaaladda magaalada Kismaayo kadib mudo afar maalmood ah oo ay ka jireen xiisado dagaal, waxaana jawiga magaalada uu maanta yahay mid xasiloon iyadoona sidoo kale ay dib usoo noqdeen dhaqdhaqaaqyadii bulshada.

Waxaa maanta dib loo furay goobihii ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo weliba isu socodkii dadka iyo gaadiidka kuwaasoo xirnaa mudo ka badan afar maalmood oo ay magaalada Kismaayo ka socdeen dagaallo u dhexeeyay maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ciidamo uu horkacayay Col Barre Aadan Shire (Hiiraale).

Saaka ayaa la arkayay qoysas fara badan oo dib ugu laabanaya guryahooda oo ay markii hore uga soo carareen dagaalladii xoogganaa ee ka dhacay magaalada.

"Mudo sedex maalmood ah guryaha ayaan ku jirnay, cid madaxa bannaanka keeni kartay ma jirin, maanta ayaan dib u furay ganacsigeeyga," ayuu yiri Max'uud Cali oo ka mid ah ganacsatada reer Kismaayo.

Mudadii ay dagaallada ka socdeen magaalada Kismaayo waxaa jiray qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka rayidka ah iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaana inta la ogyahay ku dhimatay ilaa 40 qof halka ay dhaawacyo kasoo gaareen dad kor u dhaafaya ilaa 80 qof, sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiisha isbitalka guud ee magaalada Kismaayo iyo goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku yaal magaalada.

“Madfac ayaa wuxuu ku soo dhacay qol aan ku jirnay aniga iyo qoyskeeyga, waxay dhaawacyo kasoo gaareen sedex gabdhood oo aan dhalay, waan awoodi weeynay in aan xitaa Isbitalka geyno, ilaah mahadii wax ku dhintay ma jirin,” ayuu yiri Macalim Isaaq oo kamid ah qoysaskii ay guryahooda madaafiicda ku dhaceen xilliyadii ay dagaalladu ka socdeen Kismaayo.

Dhanka kale Madaxweeyne ku xigeenka maamulka jubbaland Jen. C/laahi Sheekh Ismaacil Fartaag oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen dagaalladii ka socday Kismaayo, isagoona xusay in maamulkooda uu si buuxda gacanta ugu hayo magaalada, wuxuuna sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay masuul ka ahayd dagaalladii Kismaayo ka dhacay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya