4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Shir looga hadlayey sharci u dajinta Isgaarsiinta Soomaaliya oo maanta lagu soo Gaba-gabeeyay Dalka Imaaraatka Carabta


Isniin, July 1, 2013 (HOL) - Shir ay kasoo qaybgaleen dhammaan shirikadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed, wafdi ka socda dowladda Soomaaliyeed iyo xubno ka socda hay’adda Isgaarsiinta adduunka ee ITU iyo GSMA ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey xaruunta isgaarsiinta ee dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Waa shirkii lixaad oo ay isugu yimaadaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed iyo dowladda iyadoo ujeedku yahay in sharci loo dajiyo ku dhaqanka isgaarsiinta oo aan sharci la hayn tan iyo intii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxaynka shirkoodii ugu dambeeyay ku dhexmaray magaalada Mudisho.

Prof. Maxamed Ibrahim oo ah qabanqaabiyaha shirkan ayaa si weyn uga warbixiyay muhiimadda ay leedahay in dalka Soomaaliya uu yeesho sharci kala haga isgaarsiinta, wuxuuna ka codsaday ka qaybgalayaasha inay fikirkooda ku darsadaan sharcigan dhawaan la hor-dhigi doono baarlmaanka Soomaaliyeed si loo ansixiyo.

Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, C/laahi Ciilmooge Xirsi oo u waramayay Hiiraan Online (HOL) ayaa ku ammaanay sharikadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed horumarka ay ku tallaabsadeen intii uu dalka burbursanaa.

“Horumar weyn ayay sharkadaha Iigaarsiinta gaareen, laakin sharci kala haga oo aanan jirin daraadeed waxaa dhacday in si xun loo isticmaalay waxa loo yaqaana “SPECTRUM MANAGEMENT” oo ah sharci u dajinta maamulka (Radio frequency) ama mowjadaha idaacadaha. Sharci loo dajiyo Isgaarsiinta wuxuu daryeelayaa danaha isticmaalayaasha (Customers) iyo sharikadaha isgaarsiinta, dowladduna waa in u dhexeeysaa labadaba. Qorshaha dowladdana ma ah inay faraha la gesho isgaarsiinta,” ayuu yiri Ciilmooge.

Labo khabiir oo ka socda hay’adda isgaarsiinta adduunka ayaa soo dhaweeyay shirkan waxayna ballan-qaadeen in dowladda Soomaaliya ka kaalmeyn doonaan sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen dowladda iyo hay’adaha isgaarsiinta. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay bishii December ee sannakii hore xubin buuxda ka noqotay hay’adda isgaarsiinta adduunka ee loo yaqaano INTERNATIONAL TELECOMMUNICATION UNION (ITU).

Qareen u hadlayay sharikadaha isgaarsiinta ayaa ka digay in sharciga waqti hadda jira loo dajiyo sharikadaha isgaarsiinta, isagoo sheegay in sharciyada oo loo dajiyo ay dib u dhac u keeni karto horumaka ay asgaarsiinta Soomaaliyeed sameeyeen, taasoo uu ku tilmaamay tan ugu horumarsan Afrika, isagoo intaa ku daray in si taxaddar leh looga fiirsado sharci u dajinta isgaarsiinta.

Madaxda isgaarsiinta qaarkood oo iyaguna hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wada maamulin dalka oo dhan taasna ay dhibaato ka immaan karto haddii la rabo in sharciga laga wada hirgalyo dhammaan dalka oo dhan, iyagoo tusaale u soo gaatay goobaha ay ka taliyaan Al-shabaab.

Peter Lange oo madax ka ah sharikadda “Intelligent Network” ee uu fadhigeedu yahay dalka Australia ayaa sheegay inay muhiim tahay in sharci loo dajiyo isgaarsiinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in tartan xoogan ee dhanka isgaarsiinta uu maanta ka jiro geeska Afrika. Sharikadaha Isgaarsiinta Soomaaliyana uu dib u dhac ku immaan karo haddii aysan dowladda u dajin sharci kala haga.

Waxaa la qayaasay in ka badan 4.7 million Soomaali ah inay isticmaalaan adeega isgaarsiinta Soomaaliya. Sharikadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ayaana lagu tilmaamaa inay halkaas kasoo galo dhaqaale baaxadle, lana soo gaaray waqtigii ay dowladda ka qaadi lahayd canshuur.

Ugu dameyn, sharikadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyey wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta, Ceelmooge iyagoo ku ammaanay heerka uu soo gaarsiiyay sharci u sameynta isgaarsiinta Soomaaliya. Waxayna hoosta ka hariiqeen inay muhiim tahay in la helo sharci ay ku dhaqmaan isgaarsiinta. Waxayna isku wada af-garteen in muddo gaaban gudahood la meel mariyo sharci ay kuwada dhaqmaan dhammaan isgaarsiinta Soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan.