4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Ciidamada AMISOM oo lagu wareejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo oo ay horay u joogeen ciidamada Itoobiya


Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa lagu wareejiyay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, halkaasoo tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada Itoobiya ee caawinaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay intooda badan ku xaroodeen saldhigga weyn ee ay Baydhabo ku leeyihiin oo ah Warshadii Xaseey oo ku taalla illinka laga galo Baydhabo.

"AMISOM waxaa lagu wareejiyay garoonka Baydhabo, ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa intooda badan way kasoo baxeen halkaas, waxaana tani ay u muuqataa in ciidamada Midowga Afrika ay la wareegayaan ammaanka Baydhabo," ayuu yiri mid ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bay oo magaciisa u qariyay sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan ka hadlo.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ka baxsan Muqdisho ee ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM, waxaana ciidamada ku sugan oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi la geeyay markii ugu horreysay bishii Apriil ee sannadkii hore.

Maamulka gobolka Bay, saraakiisha Itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaan weli ka hadlin la wareegista ay ciidamada Midowga Afrika la wareegeen gacan ku haynta garoonka diyaaradaha Baydhabo, balse ilo wareedyo hoose ayaa sheegaya in tani ay ku timid cod ka yimid wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Garoonka Baydhabo ayaa waxaa ka daga diyaarado rakaab iyo kuwa ciidamada ay istcimaalaan, iyadoo ciidamada AMISOM ay horay saldhigyo uga sameysteen meelo ka mid ah duleedyada Baydhabo sida duleedka garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Saraakiisha AMISOM ayaa waxay horay u sheegeen inay ciidamada Itoobiya oo aan ka mid ahayn howgalka Midowga Afirka ee Soomaaliya ay kala wareegayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya