3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2013
Kenya oo Qalalaasaha ka taagan degmada Gaarisa ku eedeysay Ciidammo ka Tirsanaa Dowladdii hore ee Soomaaliya
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa ku eedeysay askar horay uga tirsanaan jiray ciidamada dowladda Soomaaliya inay ka dambeeyaan falaka ammaan-darro ee ka taagan degmada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha degmada Gaarisa, Maxamed Macallin ayaa sheegay in rabshadahaas ay ka dambeeyaan dhallinyaro u dhashay dalka Kenya oo ka mid noqday ciidamada dowladda Soomaaliya tababarrana ku qaatay Kenya inay mas'uul ka yihiin falalka ammaan-xumo ee ka dhacaya Gaarisa oo ah xarunta gobolka Soomaalida-Kenya degaan.

"Ciidcamadaan waxay tababarro ku qaateen gudaha Kenya si ay qayb uga qaataan dadaallo ay dowladda Kenya ku doonaysay inay ku taageerto dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, kuwaasoo lagula dagaalamayay Al-shabaab," ayuu yiri Macallin oo la hadlayay wargeyska The Daily Nation.

Sidoo kale, Macallin wuxuu sheegay in dhalliyaradaas ay ku adkaatay inay sii dagaalamaan ayna dib ugu laabteen Kenya iyagoo hubaysan, isagoo xusay inay dhallinyaradaas qabaan tababarro heer sare ah ayna iyagu yihiin kuwa ka dambeeya dhibaatada Gaarisa ka taagan.

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa tan iyo sannadkii hore ka dhacayay rabshado ay ka mid yihiin qaraxyo, weerarro iyo toogasho toos ah oo lala beegsanayo ciidamada iyo kaniisadaha ku yaalla magaalada gaarisa, waxaana dhammaadkii sannadii hore lagu dilay magaaladaas 11 askari oo sideed ka mid ah ay ahaayeen booliis iyo saddex ka mid ahaa milateriga Kenya.

Saraakiisha ciidamada dalka Kenya ayaa ku eedeeyay weerarradii ka dhacay dalka Kenya sida degmada Gaarisa iyo Nairobi inay ka dambeysay Al-shabaab, laakiinse hadalka guddoomiyaha degmada Gaarisa ayaa taas meesha ka saaraya.

Xarakada Al-shabaab ayaan marna qiran inay mas'uul ka tahay weerarro ka dhacay Gaarisa iyo deegaanada kale ee dalka Kenya, balse iskama fogeyn, waxaana Kenya gudaha Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah howgalka AMISOM oo dagaal kula jira Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
1/2/2013 11:51 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin lacago ay dowladda Suudaan u daabacday Soomaaliya iyo arrimo ay ka mid yihiin waxbarashada.

1/2/2013 11:17 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyeyna booqasho ku marayey qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland, ayaa maanta gaarey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

1/2/2013 11:14 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda oo ah xisbi mucaarad ah ayaa maanta ku qabtay Muqdisho kulan ay ka qayb-galeen xildihbaanno ka tirsan baalamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb-galeen kulankaas madaxda xisbiyada kale ee dalka ka jira.

1/2/2013 7:51 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed ee gudaha ku sugan iyo Qurbo-joogta Soomaalida ah ee dibadaha ku nool inay qayb ka qaataan dib u dhiska golaha murtida iyo madadaalada Muqdisho (National Theater).

1/2/2013 7:44 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Qof rayid ah ayaa maanta lagu dilay suuqa weyn ee balcadka gaar ahaan nawaaxiga dahablaha oo ah goob aad u mashquul badan, iyadoona aan ilaa imika aan la garanayn cidda ka danbeeysay dilkaasi.

1/2/2013 7:32 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo xubno golihiisa wasiiradda ah, ayaa saaka booqday askartii shalay dhaawacu ka soo gaadhay shilkii baabuur ee ka dhacay duleedka bari ee magaaladda Hargeysa.

1/2/2013 7:29 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya ayaa la horgeeyay 10-qof oo loo haysto argagaxisonimo iyo inay xiriir dhowr la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

1/2/2013 7:21 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Hay'adda wadaniga ah ee Horn for Relief and Development (HRD) oo kaashanaysa haya'daha ILO iyo IIDA ayaa Muqdisho ku qabtay maanta oo Arbaco ah dood-wadaag ku saabsan horumarinta ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, iyadoo doodda goob-joog ka ahaayeen xubno ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

1/2/2013 6:23 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta iska fogeeyay in ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu ka tirsanaa shaqaalahooda, iyadoo maamulku uu sheegay in ruuxaas uu ka mid ahaa darawallo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose.

1/2/2013 6:02 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, isagoo halkaas kulammo kula leh mas'uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha ciidamada dowladda.

1/2/2013 12:09 AM EST
Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inay laba jibaarmeen 12-kii sano ee lasoo dhaafay, sida ay shaacisay hay’ad lagu magacaabo Minnesota 2020 oo baaritaan ku sameysay tirada iyo dhaqaalaha Soomaalida ku nool gobolkaas.