4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2013
Hay'adda HRD oo Muqdisho ku qabatay Dood ku saabsan sidii lagu horumarin lahaa Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed

Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Hay'adda wadaniga ah ee Horn for Relief and Development (HRD) oo kaashanaysa haya'daha ILO iyo IIDA ayaa Muqdisho ku qabtay maanta oo Arbaco ah dood-wadaag ku saabsan horumarinta ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, iyadoo doodda goob-joog ka ahaayeen xubno ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah, dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Doodda oo hadallo ka jeediyeen xubno kala duwan ayaa waxaa looga hadlay sida lagu horumarin karo ganacsiga haweenka iyo shaqadooda, iyadoo lagu saleynayay qodob walba waxa ay diinta Islaamku ka qabto, waxaana xubnihii hadlay su'aallo laga weydiiyay hadalladii ay doodda ka sheegeen.

Sheekh Cabdullaahi Axmed Garruun oo ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaankii KMG ahaa oo doodda ka jeediyay khudbad ku saabsan waxay diinta Islaamku ka qabto in haweenku ay shaqeeyaan ama ganacsi sameystaan ayaa sheegay inay diinta Islaamku ogoshahay in haweenku ay shaqeyn karaan, hantina yeelan karaan.

"Islaamka ka hor haweenka xuquuqdooda waa lagu tuma jiray; waxayna ahaayeen kuwo la xaqiro, balse Islaamku haweenka wuxuu siiyay xuquuqaad fara badan oo ka maqnaa, kuwaasoo ay ka mid yihiin inay noqon karaan kuwo dadka ku baraarujiya diinta Islaamka iyo cilmiyada kale iyo inay shaqeysan karaan sida ragga oo kale," ayuu yiri Sheekh C/llaahi Garruun.



Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in haweenka ay howlahooda u gutaan si diinta Islaamka waafaqsan, isagoo sheegay in howsha ay qabanayaan haddii uu waajib ku lumayo ay tahay inay horumariyaan waajibka saaran oo ay ka mid tahay in caruurta ay xannaaneeyaan.

Xubnaha doodda kasoo qaybgalay ayaa waxay ka kala socdeen: Rugta ganacsiga Soomaaliyeed, ururka Somali Women Agenda, dallada haweenka ganacsatada Soomaaliyeed ee SWEA, hay'adda horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee IIDA, Shirkadda Dahabshiil, shirkadda Nationlink, Bankiga Salaam Bank, warshadda biyaha JEEMA, Jaamacadda SIMAD iyo jaamacadda Plasma.

Doodda ayaa waxaa ka hadashay Maryan Cali Obsiiye oo ka socotay dalladda haweenka ganacsatada Soomaaliyeed, waxayna ka sheekeysay xaaladaha uu soo maray ganacsiga haweenka Soomaaliyeed, waxayna ka dhawaajisay inay haweenka Soomaaliyeed ee ganacsatada ah ay hadda leeyihiin xiriir ganacsi oo dibadda ah iyo mid gudaha ah.

"SWEA waxay ka kooban tahay 12 urur oo matala haweenka ganacsatada ah ee ku kala nool dalka oo dhan, waxaana dalladdu ay ku guuleysatay inay caawiso dadka jilicsan iyo inay sameysmaan xiriirro ganacsi oo haweenka dhexdooda ah, kuwaasoo aan horay dalka uga jirin," ayay tiri Maryab Obsiiye oo intaas ku dartay in sidoo kale ay jiraan xiriir ganacsi oo kala dhexeeya haween Soomaaliyeed oo ganacsi ku haysta dalka Talyaaniga.



Maryab Obsiiye waxay sheegtay in hay'adda IIDA ay dhistay ururkooda ayna gacan ka siisay waxbarashada haweenka, sida inay haweenku ku xisaabtamaan dhaqaalaha ganacsigooda kasoo gala si aysan u musalafin.

Sahro Cumar Maalin oo ka socotay SWA ayaa iyaduna ka sheekeysa kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada, iyadoo sheegtay in haweenka ay helaan lacago la mid ah kuwa ay raggu ku shaqeeyaan marka la tago goobaha shaqada.

"Haweenku xaq ayay u leeyihiin inay shaqeystaan, wax-bartaan ayna qayb ka noqdaan siyaasadda dalka, waxaana habboon in raggu ay ogaadaan xilliga la joogo oo ay joojiyaan sad-bursiga, ayay tiri Sahro oo dowaldda ka dalbatay inay siiso qaybta ay haweenku ku leeyihiin siyaasadda dalka iyo ka mid noqoshada haya'daha kala duwan ee dowladda.

Ugu dambeyn, xildhibaan Cabdi Abshir Dhoorre oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto khatar dhinaca shaqaaleynta haweenka ah, isagoo soo qaatay tusaalayaan ku aaddan heerka ay dalalka reer galbeedku gaareen markii ay shaqaaleysiiyeen haweenka.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in haweenka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay shaqeystaan oo ay caruur dhalaan, isagoo ka digay in shirkadaha shaqsiyaadku ay leeyihiin ee dalka hoggaaminaya ay la imaan doonaan firkado ay ka mid yihiin inaysan shaqaaleyn haween uur yeelanaaya oo dhalaya, taasoo uu sheegay inay ka hortagaan haweenka Soomaaliyeed inta aysan billaaban.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya