4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 14, 2013
Tababar uga furmay Magaalada Bujumbura ee Waddanka Burundi Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya


Isniin, Jannaayo 14, 2013 (HOL) —Magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi ayaa waxaa maanta ka furmay tababar dhowr casho soconaya oo la siinayo 120 ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee dowaldda Soomaaliya, kaas oo uu soo qabanqaabiyay ururka Midowga Afrika, iyadoo shaqaalahaas ay baran doonaan maamulka dowladnimo iyo hab-maamuuska shaqada.

Xafladda furitaanka ayaa waxaa ka qaybgalay wafuud ka kala socday qaar ka mid ah safiiradda safaaradaha dalalka deeqha bixiya ee ku sugan dalka Burundi iyo safiirka Soomaaliya ee Burundi, Abshir Xasan Abshir.

Ugu horreyn waxaa xafladda furitaanka ka hadlay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadiif oo sheegay in maanta ay tahay maalin weyn maadaama tababar aqoontooda sare loogu qaadayo loo furay 120 shaqaalaha rayidka ah ee dowladd Soomaaliya.

Mas’uul ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo lagu magacaabo Cali Ma’xed Xuseen oo ka mid ah 120-ka shaqaale ee maanta loo furay tababarka ayaa uga maahdceliyay dowladda Burundi tababarka dalkeeda looga furay, sidoo kale wuxuu mahad taas la mid ah u jeediyay ururka Midowga Afrika iyo intii soo qabanqaabisay tababarkan oo ah kii ugu horreeyay noociisa oo shaqaale ka mid ah kuwa rayidka ah ee dowladda loogu qabto dalka dibaddiisa.

“Shaqaalaha tababarka loo furayo waxaan kula dardaarmayaa inay si dhab ah uga faa’iideystaan aqoonta halkan ay ku qaadanayaan si ay walaalahooda kale ee aan nasiibka ku yeellay ugu faa’iideeyaan, sidoo kalena ay aqoonta ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cali Ata moo ah mas’uulkii ka socday madaxtooyada Soomaaliya.


Wasiirka dhallinyaradda, isboortiga & dhaqanka dalka Burundi, Jean Jacques Nyenimigabo  oo furay tababarka ayaa sheegay isagoo ku hadlayay afka madxxweynaha dalka Burundi iyo dhammaan golaha wasiirrada inay aad ugu faraxsan yihiin in dalkooda tababar loogu furo shaqaale ka tirsan dowladda  Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay boqol.

“Maanta waxaan idinku soo dhaweynayaa halkan anigoo ku hadlaya magaca shacabka Burundi, waxayna imaanshihiinna halkan ay inoo tahay farxad aad u weyn, waxaan u mahad-celinaynaa intii tababarkan quruxda badan kasoo shaqeysay, gaar ahaa waxaan u maahdcelinayaa jaamacadda Koonfur Afrika oo duruusta ka bixin doonta tababarkan,” ayuu yiri Nyenimigabo.

Shaqaalaha tababarka loo furay ayaa waxay ka kala socdeen wasaaradaha kala duwan ee dowladda iyo madaxtooyada, iyadoo markii uu tababarku u soo dhamaado dib ugu soo laaban doona dalka.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya