3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Xarun lagu tababarayo in lagu tababaro Shaqaalaha laanta Socdaalka oo lagu kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasabad xariga looga jarayay xarun cusub oo loogu talo-galay in lagu tababaro shaqaalaha laanta socdaalka iyo jinsiyasaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax iyo saraakiil ka tirsan dowlada oo ay ka mid ahaayeen: wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, taliyaha booliska Soomaaliya, Jen. Shariif Shiikhunaa Maye, taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, Jen. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud, safiirka dowladda Japan u fadhiya Soomaaliya, Takato Kashisa, dublamaasiyiin shisheeye ah iyo saraakiil ka tirsan hay’adda IOM.

Dhismahan oo ka kooban dhowr qaybood ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Japan iyo ha’yadda duulimaadyada caalamiga ah ee IOM; sida uu sheegay taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha, Jen. Gaafow oo munaasabadaas ka hadlay.

“Dhismahaan cusub wuxuu ka kooban yahay qaybo ay ka mid yihiin meelo loogu talo-galay inay ku nastaan shaqaalaha laanta socdaalka ayna sidoo kale ku nastaan ayna shaqaaluhu isku bedelaa, sidoo kale waxaa jirta qayb loogu talo-galay in aqoonta shaqaalaha waaxda socdaalka sare loogu qaado,” ayuu yiri Jen. Gaafow oo intaa ku daray in dhaqaale badan uu ku baxay dhismaha xarunta cusub.


Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas ka hadlay safiirka Japan u fadhiya Soomaaliya, Takato Kashisa oo sheegay in dowladdiisa ay weligeed garab taagneyd Soomaaliya ayna sii xoojin doonaan taageerada ay ku bixinayaan dib u dhiska Soomaaliya, isagoo amaanay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca ammaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Guuleed oo xariga ka jaray xaruntan cusub ayaa u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Japan iyo weliba hay’adaha gacanta ka geystay hirgelinta dhismahan oo uu ku tilmaamay mid wax badan ka bedeli kara habsami u socodka howlaha hoggaanka socdaalka iyo jinsdiyasada Soomaaliya.

“Dowlada Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa inay dalka ka abuurayso jawi nabadeed oo dalku uu galo si dowladaha caalamka ee Soomaaliya saaxiibka la ah ay ugu soo dhiirradaan inay nagala qayb-qaataan dib u dhiska dalka iyo inay gacan naga siiyaan hirgelinta mashaariicdan oo kale oo baahi weyn loo qab,o” ayuu wasiirku ku sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabadda.


Madaxdii ka qayb-gashay munaasabaddaas ayaa kusoo wareegay dhismaha cusub iyo qaybaha uu ka kooban yahay, waxayna u kuur-galeen qalabka yaalla iyo xafiisyada loo sameeyay; waxayna warbixinno ku saabsan habka ay ku shaqeynayso xaruntan cusub ka dhageysteen howl-wadeenada dhismahaas.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/13/2013 12:13 PM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay Al-shabaab faduubka ku haysay muddada ka badan saddexda sano lagu dilay howgalkii fashilmay ee la doonayay in lagu furto.

1/13/2013 8:13 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii fashilmay ee ay ciidamada Faransiisku ka geysteen deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

1/13/2013 7:57 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si dhaqso ah u sii dayso wariye iyo laba qof oo u xiran, kuwaasoo lala xiriirinayo kufsi ay ciidamada dowladdu u geysteen haweeney rayid ah. Booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, isagoo xabsiga ku jira tan iyo 10-kii bishan iyadoo aan wax su’aalo la weydiin.

1/13/2013 7:30 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka Mareykanka, waxaana safarkan ku wehliya, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo la taliya-yaashiisa gaarka ah.

1/13/2013 7:17 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir oo gacan ka helaya booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa burburiyay maanta goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Xamar-weyne, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo ku yaalla meelo sharci-darro ah.

1/13/2013 7:06 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) —Francois Hollande oo ah madaxweeynaha dalka France ayaa sheegay in dowladiisu ay siweyn u adkeyn doonto ammaanka dalka,kadib howlgallo ay ciidamada France ka fuliyeen dalalka Soomaaliya iyo Mali.

1/13/2013 6:55 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii Baankiga dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ayaa xalay lagu aasay magaaladda Jabuuti ee dalka Jabuuti ka dib markii laga keenay Cisbitaal ku yaala magaaladda Nairobi oo uu ku geeriyooday.

1/13/2013 6:44 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Somaliland ayaa sheegtay inay ka qayb-geli doonto wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya iyada iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ka digtay in lagu soo daro xubno matalaya Soomaaliya mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland.

1/13/2013 2:23 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku adkeysanaysa inay weli gacanta ku hayso la haystihii Farnasiiska ahaa ee u afduubnaa Dennis Allex oo nool, kaddib markii ay ciidamada Faransiiska ee sida gaarka u tababaran ay ku fashilmeen inay xoog ku furtaan.

1/13/2013 2:21 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasibado is-barbar socda oo lagu xusayo sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtey aasaaskii maamul-goboleedka Khaatumo State of Somalia ayaa ka socda degaano kala duwan oo ka mid ah degaanada uu maamulkaasi ka taliyo.

1/13/2013 2:20 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso kulan kula qaatay xubno ka socdey ururada dhalinyarada ee gobolka Bari.