3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Munaasabado lagu xusayay Aasaaskii Maamulka Khaatumo oo lagu qabtay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo [SAWIRRO]

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasibado is-barbar socda oo lagu xusayo sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtey aasaaskii maamul-goboleedka Khaatumo State of Somalia ayaa ka socda degaano kala duwan oo ka mid ah degaanada uu maamulkaasi ka taliyo.

Magaalooyinka Taleex, Buuhoodle, Boocame, Awr-boogays iyo degaanno kale ayaa shalay ka billowdeen dabaal-degyo lagu maamuusayo 12-ka Janaayo oo ku beegnayd maalintii degmada Taleex ee gobolka Sool lagaga dhawaaqay maamulka Khaatumo oo haatan sanad jirsadey.

Degmada Taleex oo maamulku u aqoonsaday caasimadda KMG ah ayaa waxaa maanta meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha masuuliyiin uu hurmuud u yahay madaxweyne ku xigeenka labaad ahaana madaxweynihii xiligaa talada maamulka hoggaanka u qabtay, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Madaxdii halkaasi ka hadashay waxay si aad ah dib ugu eegayeen aasaaskii Maamulkan sannad jirsaday iyo dadaalkii ay dadka degmadda Taleex ku lahaayeen iyo sida looga baahan yahay inaanu marna dib ugu dhicin ee ay horay u sii socdaan.

Sidoo kale Magaalada Buuhoodle oo ah magaalada ugu baaxadda iyo dadka badan ee maamulkaas hoos-timaada walow maamulka Putlandna awood ku leeyahay ayaa xaflad balaaran lagu qabtay xalay xarunta madaxtooyada oo uu ku sugnaa madaxweynaha haatan xilka wareejinaya, Maxamed Yuusuf jaamac (Indha-sheel).

Dhammaan degaannada ay ka dhaceen munaasibadaha lagu xusayay Khaatumo ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii maamulka mudadii sanadka ahayd oo ay masuuliyiintani ku ladhayeen dagaalo meelo kala duwan ka dhacay una dhexeeyey maamulkooda iyo Somaliland oo ay sabab u ga dhigeen inuu caqabad ku ahaa horumarkii ay higsanayeen.

Maamulka Khaatumo ayaa ka duwan qaab-dhismeedkiisa maamulada kale ee ka jira Soomaaliya iyadoo uu leeyahay sadex madaxweyne oo meerto sanad iyo bar ah xilka wadaagaya midkiibana uu mudo lix bilood ah talada haynayo maantana la galay lixdii bilood ee u danbeeyey in kasta oo Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe) oo ahayd in uu shalay la wareego xilka ayaan la ogeyn xilliga uu la wareegi doono maadaama uu u sugan yahay Muqdisho.

Yagleelkan sannad-jirsadey wuxuu soo horyeelay qur-bajoog kumanaan gaaraysa oo dalka qaarkood aanay weligood arag qaarna degaankan aanay arag, halka qaarna ay sanado badan ka maqnaayeen, waxaana soo baxday oo laga faa`iidey inay sameeyaan maalgashi haba u badnaadaan magaaladda Buuhoodle.


Mudadaa sannadka ah waxaa wax la taaban karo oo la qabtay la odhan karaa laba garoon diyaaradeed oo mid haatan hawlgalay waa ka degmada Taleex iyo ka Buuhoodle oo la sheego inuu dhammaan doono sannadka horaantiisa.

Maamulka Khaatumo State waxa uu afkiisa cid kasta oo ka mid ah saaran midnimada ummadda Soomaaliyeed waa muqadas taasoo colaad balaaran oo xoog badan kaga keentay dhinaca Somaliland, dagaalkii u horeeyeyna waxa 17-kii Janaayo uu ka qarxay magaalada Buuhoodle waxaanu gaadhey in dhimashadii iyo dhaawicii uu kumanyaal gaadho.

Colaadaas oo soo gaadhey badhtamihii sanadkan waxaa joojiyey hogaamiyihii ururkii hubaysnaa ee SSC oo Somaliland la dagalami jirey mudo dheer Saleebaan Ciise (Xagla-toosiye) oo si lama filaan ah ku tegey Hargeysa heshiisna kula qaatay madaxweyne Axmed maxamed Siilaanyo, walow ay jirtay raalli ahaansho uu xilkii beesha uu u hayey ku wareejiyey ergadii shirbeeleedkii Taleex laba maalmood ka hor ku dhawaaqidii maamulka Khaatumo, waxaase dadbadani dib u xusuusteen cadhadii uu Putland kaga tegey markii uu ku guuldaraystay tartankii madaxwene ku xigeenka waqti afar sano laga joogo sideed maalmood sanad bilawgii.

Dagaalkii Somaliland iyo maamulka Khaatumo wuxuu u soo wareegay dhinaca dhulka bannaan ee dooxada Nugaaleed khaasatan degmada Xuddun oo Laascaanood waqooyi kaga beegan laga soo bilaabo 28/11/12kii illaa maalinimadii shalay ee 10-kii bishan dagaalo goos-goos ah ayaa ka dhacaayay.

Dhinaca kale; maamulka Puntland ayaa isaguna dagaal aan yarayn la galay maamulka Khaatumo oo ku doodayay inay wada-dhisteen beelaha degaanka maamulka Puntland 1998-kii, madax-dhaqameedkuna heshiiskaas saxeexeen waxba kama jiraana ku tilmaamay ka noqoshadii qodobka afraad ee xeer-dhismeedka Khaatumo lagu cadeeyey inay bureen dhammaan heshiisyadii halka maamulka Somalilandna 1991-kii ay heshiiskaasi la mid ah ku doodaan.


Madax-dhaqameedka beesha degaankaa ugu badan iyo beelaha la degaa dhamaan way ku sugnaayeen madasha Taleex oo qodobkaasi ma durin mana diidin walow ay xusuus mudan tahay in la bidhaamiyo qaar madaxdhaqameedka ka mid ahaa oo jeclaa inaan marna Putland laga Goosan, waxase ay goobta uga hadli waayeen cabsi laga qabey kooxda loogu yeedho "Guuto Koowaad" oo ah dumarka iyo caruurta, kuwaas oo dad badan oo laga shakisanaa gacansaar u geystey waana ta keentay inaan maya ama sikale iyo wax dhibaa ka hor imaan hadafkii Laba Cali.

Si kastaba ha ahaatee; sannadkan bishiisa lixaad ayaa waxaa ku soo dhamaanay maamulkii kumeelgaadhka ahaa ilaa hadana ma jiraan dhismihii haykal dawladeed oo weli Baarlamaankii iyo garsoorkii midna ma dhisna waxase la leeyahay C/nuur Cilmi Qaaje oo maanta madxweyne nimadiisu u bilaabantay ayaa dhamaystiri doona, shacabkuna waa u heelan yahay balse waxaa lays weydiinayaa u saamixi doonaa waqtigu mise!.



Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
1/13/2013 12:13 PM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay Al-shabaab faduubka ku haysay muddada ka badan saddexda sano lagu dilay howgalkii fashilmay ee la doonayay in lagu furto.

1/13/2013 11:37 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Munaasabad xariga looga jarayay xarun cusub oo loogu talo-galay in lagu tababaro shaqaalaha laanta socdaalka iyo jinsiyasaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

1/13/2013 8:13 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii fashilmay ee ay ciidamada Faransiisku ka geysteen deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

1/13/2013 7:57 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si dhaqso ah u sii dayso wariye iyo laba qof oo u xiran, kuwaasoo lala xiriirinayo kufsi ay ciidamada dowladdu u geysteen haweeney rayid ah. Booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, isagoo xabsiga ku jira tan iyo 10-kii bishan iyadoo aan wax su’aalo la weydiin.

1/13/2013 7:30 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay dalka Mareykanka, waxaana safarkan ku wehliya, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo la taliya-yaashiisa gaarka ah.

1/13/2013 7:17 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir oo gacan ka helaya booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa burburiyay maanta goobo ganacsi oo ku yaalla degmada Xamar-weyne, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen kuwo ku yaalla meelo sharci-darro ah.

1/13/2013 7:06 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) —Francois Hollande oo ah madaxweeynaha dalka France ayaa sheegay in dowladiisu ay siweyn u adkeyn doonto ammaanka dalka,kadib howlgallo ay ciidamada France ka fuliyeen dalalka Soomaaliya iyo Mali.

1/13/2013 6:55 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii Baankiga dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ayaa xalay lagu aasay magaaladda Jabuuti ee dalka Jabuuti ka dib markii laga keenay Cisbitaal ku yaala magaaladda Nairobi oo uu ku geeriyooday.

1/13/2013 6:44 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Somaliland ayaa sheegtay inay ka qayb-geli doonto wajiga labaad ee wadahadallada u dhexeeya iyada iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ka digtay in lagu soo daro xubno matalaya Soomaaliya mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland.

1/13/2013 2:23 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku adkeysanaysa inay weli gacanta ku hayso la haystihii Farnasiiska ahaa ee u afduubnaa Dennis Allex oo nool, kaddib markii ay ciidamada Faransiiska ee sida gaarka u tababaran ay ku fashilmeen inay xoog ku furtaan.

1/13/2013 2:20 AM EST
Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso kulan kula qaatay xubno ka socdey ururada dhalinyarada ee gobolka Bari.