4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2013
Dowladda Britain oo shaacisay in ay mar kale Marti-gelinayso kulan Arrimaha Dalka Soomaaliya looga hadlayo

Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Xukuumadda dalka Ingiriiska ayaa shaacisay inay matigelinayso sannadkan shir looga hadlayo arirmaha dalka Soomaaliya, waxaana shirkan uu daba-socdaa  shirkii lagu qabtay London bishii Feberaayo ee sannadkii hore kaasoo socday hal maalin loogana hadlay arrimaha Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha dalka Britain, David Cameron ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay isla garteen in xilliga uu qabsoomayo shirkan bartamaha sannadkan ee 2013.

"Aniga iyo madaxweyanha Soomaaliya waxaan isla garanay in shirkan uu qabsoomo 07 May, 2013, waxaana uu daba socdaa shirkii horay u guuleystay ee London lagu qabtay sannadkii hore," ayuu yiri Cameron.

Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo qaybgalaan madax fara badan oo caalamka ka socda, balse lama sheegin in shirkan uu yahay mid yabooh loogu ururinayo Soomaaliya iyo inuu yahay mid dowladda looga caawinayo dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaanka.

Shirkan ayaa ka duwan shirkii hore, wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo Soomaaliya ay ka baxday xilliga KMG-nimada iyo dowladda Birtain oo haysa hoggaanka ururka dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida ee G8-ka loo yaqaan.

Hal maalin ayuu shirkan socon doonaan, iyadoo inta uu socdo lagu soo qaadi doono arrimo badan oo Soomaaliya ku saabsan, waxaana uu shirkan imaanayaa iyadoo dowladda cusub ay ku taamayso inay dalka ka saarto deggenaasho la'aanta muddada dheer soo jirtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya