4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2013
Iska-horimaad Xooggga Al-shabaab iyo Ciidammo Faransiis ah ku dhexmaray Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Iska-horimaad culus ayaa xalay saqdii dhexe ku dhexmaray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ciidammo watay diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo dagaalkaas uu dhaliyay khasaare nafeed oo soo kala gaarta labada dhinac.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaartay laba dhinac ayaa haddana waxaa deegaankaas lagu arkay saakay maydka askari caddaan oo ah ku dhintay dagaalkii xalay.

"Xalay saqdii dhexe ayay diyaarado dagaal weerar kusoo qaadeen guri ku yaalla Buulo-mareer, halkaasoo ay ku suganayeen ciidammo ka tirsan Al-shabaab, duqeyn kaddib dagaal culus ayaa dhacay, waxaana saakay aragnay maydka askari caddaan ah," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool deegaankaas oo diiday in magaciisa uu sheego.

Goobjoogaha ayaa hadalkiisa ku daray in xaaladdu ay tahay mid cabsi leh, isagoo xusay in saraakiisha Al-shabaab ay amar ku siiyeen dadku inaysan u dhawaan askariga lagu dilay dagaalkii xalay oo ay ku xiran yihiin qalab kala duwan.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray ay ahaayeen Faransiiska oo ku daba-jiray sidii ay ku furan lahaayeen sarkaal muddo sannado ah looga haysto gudaha Soomaaliya.

"Allaah waa fashilyay qorshihii Faransiiska; mujaahidiintuna waxay gacanta ku hayaan maydadka askar caddaan ah oo lagu dilay dagaalkii xalay," ayuu yiri sarkaalka u hadlay Xarakada Al-shabaab.

Laba sarkaal oo Faransiis ah ayaa lagu afduubay Muqdisho sannadkii 2009 kuwaasoo u joogay sidii ay dowladdii KMG ah gacan uga siin lahaayeen tababarka ciidamada iyo sugidda ammaanka. Iyadoo weli uu gacanta Al-shabaab ku jiro Denis Allex halka sarkaalkii kalena uu horay u baxsaday.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Faransiiska lamana oga in lala baxay sarkaalkii Faransiiska ahaa ee lagu haystay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Guriga la wareerayay ayaa burburay, iyadoo weerarkan uu qayb ka noqonayo weerarro ay ciidamada Faransiisku horay uga fuilyeen qaybo ka mid ah Soomaaliya, kuwaasoo ay ku furteen muwaadiniin looga haystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya