3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2013
Qoxooti Soomaaliyeed oo ka cararaya Amni-darrida ka jirta dalka Kenya oo ku qulqulaya Koonfureed Soomaaliya


Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Boqolaal qoxooti Soomaaliyeed ah oo ku jiray xeryaha Dhadhaab-Kenya ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda kaddib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay kooxaha hubeysan ka geystaan xeryahaas, waxaana  qoxootigan qaarkood ay sheegeen in dhibaatooyinka ka taagan xeryaha ay kaga wanaagsan tahay iay ku noolaadaan colaadaha iyo macluusha Soomaaliya.

C/risaaq Maxamed oo ah wariye Soomaaliyeed oo xeryaha Dhadhaab ku noolaa 21 sano ayaa VOA-da u sheegay in ammaan-darrada ugu daran ay ka jiraan labada xero ee IFO I iyo IFO II, kuwaasoo uu sheegay inay degeen dadkii kasoo barakacay Soomaaliya sannadkii 2011.

“Dhab ahaan, markii aan wareysiyo la yeellanay qoxootiga waxay noo sheegeen inay kala kulmaan jir-dil, kufsi iyo xatooyo, gaar ahaan xerada IFO II, taasina ay tahay midda ku qasabtay inay halkaas isaga cararaan,” ayuu yiri wariyaha oo intaas ku daray: “Waxaan xusuustaa hooyo ii sheegtay inay xeryahan u timid inay nabadgalyo hesho, balse ay la kulantay kufsi iyo dhibaatooyin kale oo ka baxsan bani’aadamnimada.”

Suxufigu wuxuu sheegay in inta badna kooxaha burcadda ah ay ka yimaadaan goobaha ku dhow xeryaha qoxootiga, gaar ahaan xilliyada habeenkii ah, iyagoo weerarrada u geystay sidii ay lacag ku heli lahaayeen.

“Dhab ahaan, waxaan dareemaynaa in xeryaha Dhadhaab ay ka ammaan-darro ka jirto, balse ma aragno dhibaato kale oo ka jirta xeryahaas,” ayuu hadalkiisa raaciyay wariyaha.

Rabshadaha iyo ammaan-darrada ka jirta xeryaha Dhadhaab Kenya ayaa waxay gaareen meel sare, horraantii toddobaadkan laba qof ayaa lagu dilay bam lagu weeraray xerada Dhagaxleey iyadoo sidoo kalena uu qof six un ugu dhaawacay qarax ka dhacay xerada IFO II bishii December ee lasoo dhaafay.

Inta badan weerarrada ka dhaca gudaha waddanka Kenya waa kuwo lagu bartimaameedsado ciidamada Kenya iyo dadka aad ugu dhow, iyadoo lagu dilo saraakiisha ciidamada ammaanka Kenya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya oo 100-km u jirta Dhadhaab.

Hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR oo maamusha xeryaha ayaan sheegtay inaysan caddeyn in weerarrada laga soo qaadayo gudaha dalka Kenya iyo inay geysanayaan kooxo dabley ah oo kasoo tallaabayaha Soomaaliya.

Madaxa xiriirka gudaha ee UNHCR, Mans Nyberg ayaa u sheegtay VOA-da in 100-qof oo qoxooti Soomaaliyeed ay ka tageen xeradaas maalmihii lasoo dhaafay.

“Runtii waa mid adag in la kala caddeeyo in dadkan ay si rasmi ah ugu guureen gudaha Soomaaliya iyo inay dib ugu soo laabanayaan xeryaha Dhadhaab. Laakiin waxay uga baxayaan xeryaha si iskood ah,” ayay tiri Nyberg.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay xukuuumada Kenya amar ku siisay Soomaalida ku nool magaalooyinka waaweyn ee dalkeeda inay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo ku dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo labadii sano ee ugu dambeysay rabshado ka jireen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/11/2013 1:52 PM EST
Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xafiiskiisa ku faahfaahiyay waxqabadka xukuumaddiisa oo dhisan muddo 55 maalmood ah, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray midnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya hay’adaha Qaranka, sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xukuumaddiisa.

1/11/2013 7:11 AM EST
Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL)- Dadweyne Gadoodsan ayaa shalay magaaladda Saylac ku gubay gaadhigii uu wadan jirey maayarkii hore Saylac oo la doonayey in lagu wareejiyo maayarka cusub ee loo doortay magaaladaasi.

1/11/2013 7:05 AM EST
Jimco, Jannaayo, 11, 2013 (HOL) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo sidoo kale ay wehliyaan saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa kulan kula yeeshay degmada Beer-gadiid ee gobollka Hiiraan mas’uuliyiin ka soctay maamulka dowladda ee gobollka Galguduud.

1/11/2013 2:23 AM EST
Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay xoogagga Al-shabaab uga saarayaan degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo oo ku yaalla Koonfurta fog ee Soomaaliya.

1/11/2013 1:21 AM EST
Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho xalay ayaa waxay go’aanno ka gaareen sidii loosoo celin lahaa waxbarashadii lacag la’aanta ahayd iyo sidii dib loogu soo celin lahaa hantada maguurtada ah ee dowladda.